HomeIn ka Badan 1000 Tahriibayaal ah oo todobaadkan Gaadhay Dalka Talyaaniga

In ka Badan 1000 Tahriibayaal ah oo todobaadkan Gaadhay Dalka Talyaaniga

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Rome (SLpost)- Laba doonyood oo ay saarnaayeen 690 qof oo magangelyo-doon ah, ayaa gaadhey dalka Talyaaniga Ilaa iyo khamiistii Ina Dhaaftay sida ay qoreen warbaahinta dalka Talyaanigu.

TAHRIIBAYAALIn badan oo ka mid ah dadkaas ayaa ahaa kuwo da’doodu ka hooseyso 18 sano, iyadoo ay ku jireen Tiro badan oo Haween uur leh, kuwaas oo saarnaa Doonyo aad cidhiidhi u ah oo daka la isku dul raseeyey.

Sidoo kale markab ciidamada Talyaanigu iska leeyihiin oo ku jeedey Palermo ayaa soo badbaadiyey 400 qof oo Tahriibayaal ah kuwaas oo naftoodu khatar ku jirtey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa ka digtey musiibo qaxooti oo dalkaasi ku dhacdo, iyadoo shaki weyn ka qabta tirade xad-dhaaf ah ee soo gelaysa Dalka Talyaaniga.

Tan iyo Bilowgii sanadan 2014-ka, in ka badan 22000 kun oo qaxooti ah ayaa lagu qaabiley dalka Talyaaniga, waxaana ay 10 jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore lagu soo dhaweeyey Dalkaasi.

Goobaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga ayaa ah kuwo buuxsamey hadda, waxana cidhiidhi badani ka jiraa Xeryaha lagu xareeyo dadka soo gelootiga ah, kuwaas oo muddo badan lagu hayo Goobo xeryo ah.

Dhamaan qaxootiga gaadhey dalka Talyaaniga ayaa si tahriib ah ku tegey halkaas iyaga oo doonyo yar-yar ka raacey Xeebaha Waqooyiga Afrika gaar ahaan Liibiya iyo Tuuniisiya, in badan oo kamid ah dadkanina waa Soomaali ka yaacday Dalkoodii.

Wakhtiyadan dambe dadka tahriibaya ayaa u badan Carab iyo afrikaan kale, waxana si xawli ah Talyaaniga u Galaya Kooxo ka soo yaacaya Qalalaasaha Dalka Syria.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories