HomeImaaraadka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Somalia Iyo Dalal...

Imaaraadka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Somalia Iyo Dalal Kale

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SL.Post) Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinta dalkaas uga digtay in ay u safraan dalka Soomaaliya, sababo dhinaca ammaanka ah dartood. Qoraal talooyin iyo digniino safar xambaarsan oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay toban dal oo Soomaaliya ku jirto, waxa aana la faray in muwaadinka ay noqoto in uu dalalkaas arrimo muhiim ah ugu safraa, inta aanu bixin laga rabo in uu iska sii diiwaangeliyo safaaradda iyo haayadaha qaabilsan si ay u fududaato in dhaqso loola xidhiidhi karo haddiiba ay dhibaato ama arrin kedis ahi dhacdo, waxa aana loo sheegay bar internet ka ah iyo adeeg talefanka gacanta iyo aaladaha casriga ah oo lagala xidhiidhi karo wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradaha si muwaadinku dhaqso ugu qayshado haddiiba ay xaalad kedis ah ama mushkiladi ku timaaddo.

 

blank

 

 

 

Dawladda Imaaraadku waxa ay muwaadiniinteeda sababaha muhiimka ah u tegeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee digniintani khusayso fartay in marka ay safrayaan aanay lacag caddaan ah sii qaadan, isla markaana raacaan talooyinka amni ee ay siiyaan haayadaha ku shaqada leh ee dalalka ay tegeyaan.

 

 

 

Sida uu Geeska Afrika ka akhriyey bogga Internet ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabtu dalal kale ee digniintani khusayso ayaa ah Yemen, Afganistan, Koonfurta Suudaan, Ukraine, Suuriya, Ciraaq, Baakistan oo ku kooban magaalada Karaaji, Nayjeeriya iyo Liibiya.

 

 

 

Dawladda Imaaraadka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xidhiidho xooggan la samaynaysay Soomaaliya oo ay la macaamilaysay dawladda federaalka ah iyo maamul-goballeedyada, mashaariic badan oo horumarineed iyo caawimana ka samaysay Kismaayo, Baydhabo iyo maamul gobaleedka Puntland oo wararka qaar sheegayaan in uu jiro qorshe ay shirkadaha Imaaraadku doonayaan in ay ku maalgashadaan dekedda Boosaaso, dhinaca kalana waxaa kor u soo kacaya xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka oo muddooyinkii u dambeeyey sii xoogaysanayey, marka laga yimaaddo hawlaha samofalkana waxaa jira barnaamijyo horumarineed oo ay kula jiraan haayado ka mid ah xukuumadda, kuwaas oo uu ka mid yahay mashruuc weyn oo ay kaga qayb qaadanayso biyo ballaadhinta caasimadda, sidoo kale waxa ay heshiiska maalgelinta dekedda Berbera dhowaan la saxeexatay xukuumadda Somaliland.

 

 

 

Lama garanayo culayska ay mamnuucistan safar ku keeni karto hawlaha bani’aadamnimo iyo barnaamijyada horumarineed ee ay dawladda Imaaraadku ka waddo Somaliland iyo Soomaaliya, waxa se’ la is weydiinayaa sida ay Somaliland u qiimayn doonto mamnuucistan safar ee dawladda Imaaraadku dadkeeda sababo amni uga joojisay Soomaaliya oo aanay ka reebin Somaliland, sida ay dalal badan oo dunida ahi yeelaan. Somaliland waxaa ka jira ammaan sugan iyo nidaam dawladnimo oo taabba qaaday.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories