HomeHargeysa: Kulan Lagaga Hadlay Gebagabada Daraasaadka Iyo Qiimeynta Mashruuca Dhabaha Berbera Corridor

Hargeysa: Kulan Lagaga Hadlay Gebagabada Daraasaadka Iyo Qiimeynta Mashruuca Dhabaha Berbera Corridor

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Kulankii sadexaad ee xubnaha guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) ee u xil-saaran ilaalinta mashruuca qandaraaska daraasada iyo qiimeynta kama danbeysta ah ee dhismaha Waddada Berbera Tog-wajaale “Berbera Addis Ababa Corridor” ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana kulankan lagu soo bandhigay macluumaadka hordhaca daraasada iyo qiimeynta mashruucaas.

kulanka (2)Guddoomiye ku xigeenka Guddida hawshan wadda Fu’aad Axmed Xuseen oo ka hadlaya u-jeedada kulanka ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta kulankii sadexaad isugu yimid guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) ee mashruuca Berbera Addis-ababa Corridor, oo ah qeybtii ugu danbeysay ee lagu qiimeynayey Waddada Berbera iyo Tog-Wajaale kharashka geli doona farsamo ahaan iyo faa’iidada laga rabo. Waxaana maanta kulankan lagu soo bandhigay Warbixintii loo  baahnaa oo dhan hor-dhaceedii”

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maanta marka laga sheekeysto wixii lagu dari lahaa mashruuca ama laga reebayo uu yahay kii gebogebadada ahaa, waxa imika laga doodayaa qiimihii hordhaca ahaa ee lagu qiimeeyey dhismaha waddada iyo madaxda dawlada Hoose ee oo la doonayo inay maanta shirkan kaga hadlaan waddada duleedka Hargeysa mari doonta oo ay marayaan gadiidka Transit-ka ah, Dakadii Berbera, hay’adii waddooyinka Urur Goboleedkii IGAD, Midowga Yurub (EU-da), hay’ada GAUFF, taas oo mashruucan daraasadii la sameeyay 2003-dii, ay ahayd ilaa 150,0000 milyan (Boqol iyo Koton Milan oo Dollar) ilaa 160.0000 (Boqol iyo lixdan Milyan oo Dollar), maanta waxaa mashruuca lagu soo fadhiisiyey laba boqol iyo dhowr iyo todobaatan Milyan oo Dollar inuu ku bixi doono, taas oo sida la rajeynayo, sanadkan 2014 dabayaaqadiisa iyo sanadka soo socda 2015-ka horaantiisa la galayo sidii dhaqaalahan loo heli lahaa, si uu mashruucani uu u bilaabmo dabayaaqada sanadka 2015-ka, iyo bilowgta sanadka 2016-ka”

“Mashruucan in baddan ayaa la filayey inuu sidii la rabay inoogu qabsoomo, innaga (Somaliland) ayaa-ba wax ka qabsaday, oo mashruuci Corridor-ka intii la hadal-hayey 14-sanadood, innaga ayaa-ba wax qabsanay oo waxa u kacday xukuumadeena iyo shacabkeena, maahta wax lagaga maar-maayo, laakiin innaga oo wax walba qabsanay haddii uu yimaado mashruucan Berbera Addis-ababa Corridor meelo kale ayuu inoo galayaa, oo wax inaga lumaya maaha, ama la odhanayo Corridor-kii idinka ayaaba qabsaday oo waa la idinka celinayaa, ee waxa wanaagsan in lagu dedaalo intii la awoodi karo mashruuca Corridor-ka”.Ayuu yidhi Fu’aad Axmed Xuseen.

“Kan Ceerigaabana waa Corridor, oo dadkeenu waxay moodaan Corridor-ka wixii reer Galbeedku bixiyaan, wax baddan oo aynu qabsan karno ayaa jira, laakiin waxaan rajeynayaa inuu mashruucan sidii loogu tallogalay inoogu dhamaado”.Ayuu yidhi Fu’aad Axmed Xuseen.

kulanka (1)Waxaana Xubno ka ah guddida heer Qaran (Regional Steering Committee) xubnaha ay ka midka yihiin Intergovernmental Authority On Development (IGAD), Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Wasiirka Qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, hay’ada Waddooyinka Somaliland (SRA), hay’ada Waddooyinka Ethiopia (ERA), Dekedda Berbera iyo midowga Yurub (EU-da).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories