HomeHARGEYSA: Kaadhadhkii Aqoonsiga Muwaadiniinta Somaliland oo la Gubay

HARGEYSA: Kaadhadhkii Aqoonsiga Muwaadiniinta Somaliland oo la Gubay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa(SLpost)-Wakhti badan iyo tacab badan ayey xukuumadda Somaliland galisay halka dhammaan dadweynuhuna ay safaf dhaadheer u galeen unna soo hureen wakhti, maal, tacab iyo samirba sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland. Sidaa si ka daran ayay muwaadiniintu u sugeen una sugayaan in ay helaan isaga oo samaysan.

 

Haddaba waxa amakaag noqotay in dad sugayey qaadashada kaadhadhkoodu ay  kaadhadh badan oo dab la sudhay ugu tageen meel Hargeysa 15km ka xigta dhinaca waqooyi. Arrintan fajacisada noqotay ayaa waxa telefishanka SLSC oo booqday goobtii kaadhadhka lagu gubay uu wax ka weydiiyey dadkii deegaankaas oo goobta jooga.

 

Caaqil Jirde oo arintaas wax laga waydiiyey ayaa sheegay in ay caruurtu markii hore aragtay oo soo tustay dadka waaweyn. Isaga oo muujiyay in uu aad uga xun yahay oo dhabar jab ku tahay muwaadiniinta reer Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waa kaadhkii muwaadinka ee markii hore aannu dadka badan ku helnay markii dambena waynay, wakaas oo dabkaasaanu ku aragnay oo caruurtaa noo keentay oo na soo tustay. Qaar badan oo dadkii aan garanayey kaadhadhkoodii ah oo aan ka helay baa jira, qaar kalena waan ka rajaynaynaa haddii aan sii baadho wayse dhinteen oo gubteen, sabab loo gubayna lama sheegin, dawladuna sidanay tahay na may odhan. Kaadhadhkii aannu u joognay ee waxaasoo safaf ah loo galay ayaa sidaa loo gubayaa haddii lana odhan lahaa maanaan galneenba kuyuugaa”

 

“Dawladda karash baa kaga baxay, dadkana wakhti baa kaga baxay markaa dawladdu sida ay waxan u gubtay ama ay muwaadinimada sidan ugu gashay iyada ayaannu ka sugaynaa” ayuu yidhi Jirde isaga oo uu ka muuqdo dareen kacsan.

 

Dadweyne tiro badan oo halkaas isugu soo xoomay oo faqaya kumanaanka kaadh ee meesha ku bas beellay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin.

 

“Dawladdu waxa ay tidhi la socon maayo kaadhkaa la’aantii, annagana kun hawlood baa naga xidhan oo aannu u galnay dad badana way sugayeen imikana waa kuwa halkan lagu gubay, qaar badan oo sugayey baanna kaadhadhkoodii ka helay” ayuu yidhi muwaadin aad uga xun arrintan uu indhihiisa ku arkayo.

 

Muwaadin kale oo aad uga xanaaqsan arrinkan ayaa yidhi “Dawladdu in ay doorashadu dib u dhacdo ayey rabtaa oo kaadhadhkii muwaadiniinta sidaa loogu gubayaa. Guriga shaqaalaha ayey dadku maalin kasta kusii qulqulayaan kaadhadhkoodiina waa kuwa halkan lagu gubay”

 

Wasaaradda arrimaha gudaha oo wax laga weydiiyay ayaa sheegtay in aannay waxba kala socon oo ay aroorta soo hubsan doonaan sida ay wax u dhacayaan.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ku fasirraya arrinkani in uu yahay tab iyo xeelad xukuumadda talada haysaa ay doonayso in ay carqalad ku galiso doorashada oo dib  loogu dhigo.

 

 

 

HALKAN KA DAAWO
https://youtu.be/FgR-ZXr8p8M

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories