HomeHargeysa: Caasimad bilaa Tiyaatar ah! - W/Q: Axmed-Deeq

Hargeysa: Caasimad bilaa Tiyaatar ah! – W/Q: Axmed-Deeq

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

axmed-deeq 373x500Magaalo kasta oo adduunka ku taalla iyo dadkeeda iyo deegaankeedu wax bay caan ku yihiin oo marka danbe naanays ahaan loogu jaadaa. Tusaale ahaan Paris; Caasimaddii Nuurka, Iskanderiya; Magaaladii Quruxda, Fanka iyo

laab-qaadka iwm. Sidaa darteed waxa la sii kobciyaa waxaa si dadka ku nooli ugu raaxaystaan, kuwa soo booqdaa ugu soo hiloobaan, kuwa aan aragna ugu soo muhdaan. Haddaba, Hargaysi waxay caan ku tahay Hoygii Fanka iyo Xoriyadda, Haradii Abwaanka iyo Hal-abuurka, sidaa darteed Dawgii aad marayso, derbigii aad istaagto iyo dermadii aad ku fadhiisataba waxaad kula kulmaysaa Abwaanadii hore, kuwii dhexe iyo kuwii danbe oo sidii heego roob u hibitiqaya haddii ay helaan cid godlisa iyo gaawe culan.

Sidoo kale Maqaaxidii aad ka qaxweyso iyo Huteelkii aad ka qadaysaba waxaad kula kulmaysaa dad hibo metalaad iyo hal-abuur dabiici ah la ciir ciiraya. Haddana, waa yaabe, iyada oo ay sidaa tahay kuu suurta gal ma’ah inaad calfato ruwaayad ama Filim maaweelo iyo murti xanbaarsan oo aad ku ilowdo tacabkii shaqada. Mid fikir iyo Falsafad iyo is weydiin hor leh kugu dhalisa sida oo noloshaada raad iyo isbadal weyn kaga taga, ama mid aad ka dhex aragto tabashadaada iyo duruufta dhabta ah ee aad ku jirto, Haddii ay ahaan lahayd mid Caruureed, mid cirroole iyo mid dhallinyarba. Maxaa yeelay sumaynta guud ee fanka lagu hayay 20 kii sanno ee u danbeeyay marka laga tago waxa meesha ka maqan darkii (Tiyaatarkii) ay Abwaanadu ku soo bandhigi lahaayeen hal-abuurkooda.

Waxa meesha ka maqan ishii farxadda iyo hibooyinka faneed ay ka soo burqan lahaayeen. Waxa meesha ka maqan il-dhaqaale oo Abwaanka, fanaanka iyo boqolaal qof oo kale shaqo-abuur ama shaqo-kabis u noqon lahaa. Ishani arrin xumo abwaan, dawladeed iyo dadeed bay ku maqan tahay illaa hadda. Sanadkan maanta curtayna haddii aan la furin Tiyaatarka ama la dhisin kuwo kale ma saadaalin karo mustaqbalka faneed ee Hargaysa.

Maxaa yeelay magaaladani maaha middii maanta hal tiyaatar iyo laba la isku sheegi lahaa in laga furo, waase middii uu xaafad walba ka furnaan lahaa si hal-abuurka iyo hibooyinku isaga soo daba dhacaan. Waan kula qabaa in fanku tayayn u baahan yahay, laakiin, waxa ka horaysa in la isla garto in fanku yahay wax wax lagu sixi karo, lagu hagaajin karo, lagu dhiiri gelin karo, lagu maaweelan karo. Ogowna bulsho aan Fankeeda, iyo dhaqankeeda si dhiirani iyo kalsooni ku jirto u soo bandhigi karin, ku faani karin, wax ka badali karin, waa bulsho Is yasaysa, waa bulsho fadhiid ah. Haddiiba ay ka faantana waa ka sii xag jirtaa, oo waxay halis u tahay in wax walba ilbaxnimo ama Diin looga dhigo oo ay aayar iska qaadato.

Sidaa darteed, Fanku wuxuu lagama maar maan u yahay jiritaanka aadamaha, wuxuuna quweeya qofnimadiisa iyo ahaanshihiisa. Wuxuu u yahay muraayad ay isku daawadaan, isku saxaan, iskuna maaweeliyaan. Haddii loo diidana waxay noqdaan dad kala dhantaalan oo geerida iyo si qarxinta ka jecel noloshaba. Sidaa darteed bulshada reer Hargaysa waxa ay kala bar la taag daran yihiin xanuunada Nafsiga ah cid uun baan si dhab ah u baarine, sida wer werka, Qulubka, Isku buuqa, cabudhka, Buufiska, Jinka, iwm. Wixii xanuunadan yarayn lahaa ama lagu daweyn lahaa oo Fanku ka ka mid yahayna illaa hadda laguma baraarugsana ama waxa ku gudban dad aan dookh iyo dareen toona lahayn. Sidaa darteed, haddii rabto inaad Hargaysa ganacsi ka furato, isla jeerkaana hore u lacagaysato waxaan kugula talin lahaa inaad CILAAJ furato. Maxaa yeelay dadkuba waa wada bukaan socod oo waxa isugu biiray shaqo la’aan, Fan la’aan, Haasaawe la’aan, Jacayl la’aan iyo balwad qaad. Sidaa darteed danbi inaga raaci maayo haddii aan nidhaa: Hargaysi hadda Magaaladii Fanka maaha ee waa Magaaladii jimanka iyo Xanuunada Nafsiga ah.

Shaqadan cusubi dhakhtarnimo iyo aqoon cilmi nafeed kaagama baahna, waase inaad lahaato woxogaa tilmaamo wadaadnimo ah oo laguugu soo joogsado. Intaa ka dib Hargaysaay ma tahay hoygii fanka iyo xoriyadda, mise waad ahaan jirtay? Ma tahay kobtii Kaba-Cad, Walaalaha Hargaysa iyo Waaberi ay ka soo unkameen, bulshadana ka hanuunin jireen? Ma tahay Xaramkii-Faneed ee haddii aanay Hoobaladu soo marin aannu xidiggoodu ifi jirin? Ma tahay bog-caddii barakaysnayd ee Masraxu ku bulaali jiray? Waad ahayd, laakiin hadda ma tihid, waadse noqon kartaa haddii hal-abuurkaagu hurdada ka kaco. Ugu danbeyn bulsho bilaa fan ahi waa bulsho bilaa farxad ah.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq)

Email: awliyo177@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories