HomeGuushu Waa Midnimo: Xisbinimadaa ka Weyn Musharaxnimada

Guushu Waa Midnimo: Xisbinimadaa ka Weyn Musharaxnimada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede
Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye
Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye
Inta garasho ii meel la’dahay , tayda maan gudane
Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye
halmarna waan qaybsanaa , halmarna waan midownaa, Marka shirka  gollaha dhexe  haldoorkiisu tartamayo, waynu qaybsanaa inagoo lakala safanayna musharaxiinta, Hal marna waan midownaa , waa marka musharaxa xisbiga la doorto.

Anigu ka  Maxamed-maarshaal ahaan Kulmiye waxaan ku  ahay aragti,waxaan aaminsanahay inay ku badinayso, midnimada, wada jirka, walaaltinimada, xisbinimada iyo isku duubnida iyadoon laga tagayn, waajibna ay tahay, kala doorashada, kaltanka xisbiga gudihiisa. Oo ah wax ku dhisan , aragti ka sokaysa, kulmiye-nimada, waa kal doorsansiin uu xisbigu inoo saamaxay inuu fursad inoo siiyo, inaynu ku hirdano kala doorashada haldoorka xisbiga gudihiisa, rafiiqna ku ahaano hadba kii duubka loo cumaamado.

Inagoo tix galinayna, kala duwanaanshiyaha afkaarta kala duwan ee ay  qabaan, hogaamiyayaasha ku midaysan xisbiga kulmiye, waxa lagama maarmaan ah, inaynu isku dhigno tartanka dhabta ahi, inaanu ahayn ka kulmiye dhexdiisa yaala, ee uu yahay, kaynu la galayno asxaabta kale ee qarankeena.

Dabeecada iinsankay ka mid tahay, hadii ay laba qof ama kooxi, ay isku qabtaan fikir, inay  ka heshiiyaan, dhayaana boogahooda. Iyagoo eegaya danta guud ee xisbinimo iyo qaranimo. hadaba Inta dhab ahaan tartanku uga dhaxeeyay, waxa dhex u ah,  taageerayaasha xisbiga kulmiye.

Hadaba musharaxa inoo soo baxa, maaha mid ay kooxi ama in gaar ahi ay uga dhawdahay taageerayaasha xisbiga ee kale, taageerayaasha xisbigu maaha qaar la dudaya ama la cadhoonaya cid gaar ah, ee waxay guul iyo farxada lawadaagayaan musharaxa xisbigoodu u soo saaray, maaha qaar ka diddaya  inaanu musharaxa ay taageersanaayeen soo bixin, balse waa qaar fahansan in  musharaxa soo baxa ay agtiisa ka siman yihiin taageerayasha xisbiga kulmiye si aan kala sooc lahayna ugu baahan yahay musharaxaasi, xoogooga iyo taageeradoodaba.

 

 

Hadaba Waxa la jooggaa xiligii aan qaadan lahayn kaalinteena, waxa la joogaa, xiligii aan  midnimada, xisbinimada iyo himilada guud aan eegi lahayn, kala duwanaanshiyaha loolanka aragtida siyaasaga ah ee hoggaaminta xisbiga kulmiye soo afjarmi lahayd

Waxa la joogaa, xiligii ka nasiibku siiyo,  ujoogsan lahaa, kii nasiibku ka hiiliyay, oo uu ka baaqsado, hollashada ku dhisan tiiq tiiqsiga, sidaa si la mid ah taageerayaashuna  ka wantoobaan kala fogaynta taageerayasha xisbiga.

Waxa la joogaa xiligii aan soo xidhi lahayn, fagaarayaasha kaltanka, abaabulka, ficiltanka iyo borobogaandada ee lagu kala ridanayay musharaxnimada xisbiga gudahiisa.

Waxa la joogaa xiligii aan furi lahayn, albaabada, wada xaajoodka, garnaqasiga, turxaan bixinta iyo walaalayn ku dhisan , daacadnimo, lecejeclo, niyadfurnaan iyo aragti xisbi oo aan kaga soo kabano diiftii iyo kal qaybsanaantii hirdanku ina baday

.

Guul ka wayni ma jirto inaad bu’u dhig u noqoto, isku soo dhawaansho, walaaltinimo, wax wada lahaanshiyo, tanaasusl iyo waliba is barbar galid. dhabtii awoodaha aad leedihiin maaha qaar laga maarmi karo, la dafiri karo, waxaad qayb laxaadle ka tihiin guul hordhaceedu muuqdo, waxaad baal dahab ah ka gali doontaan guushaas, balse waa marka aad midnimo ka shaqayso adigoo guul daraystay, danta gaarka ahna aad ka raacdid danta guud .

W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

mmaarshaal@hotmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories