HomeGuddoomiyeyaasha Gobollada Gabiley iyo Awdal oo ka hadlay Xaaladda nabadda, Hawl-galladii u...

Guddoomiyeyaasha Gobollada Gabiley iyo Awdal oo ka hadlay Xaaladda nabadda, Hawl-galladii u dambeeyey ee Ciidamada Amaanka iyo kulamadii Madax-dhaqameedka

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Goboladda Awdal iyo Gabiley ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee deegaanada u dhaxeeya labada gobol ee xiisadda nabadgelyo-darro ka taagan tahay. Guddoomiyaha Awdal Md. Axmed Xaddi Sidci oo shalay booqday deegaanka Seemaal ee ay habeen saddexaadkii ka dhaceen dilkii foosha xumaa ee lagu dilay sadexda qof, ayaa ka warramay xaaladda deegaanka uu booqday iyo cidda ku wehelisay socdaalkiisa. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in isaga iyo madax-dhaqameedka weheliyey ay deegaankaasu tageen si ay uga qayb-qaataan dejinta xaaladda dadka isla markaana ay ku qanciyaan inaan wax tallaabo la qaadin inta xukuumaddu gacanta ku soo dhigayso gacan-ku-dhiiglayaasha. Isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Waxaan maanta (shalay) tagay deegaankii habeen hore dilku ka dhacay waxaanan sii kaxeeyay odayaal mudakar ah oo aanu doonaynay inay wacyigelin ka sameeyaan jiidaasi oo ay beesha Awdal ka soo jeeda ee wax tabanaysay ay ku adkeeyaan inaanay qaadin wax tallaabo ah oo aargudasho ah oo ay ka war sugaan xukuumadda oo go’aanka ay qaadatay waxgaradka Awdal aad ugu mabsuudeen.”

blankGuddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in kulan dhex maray xukuumadda iyo madax-dhaqameedka beesha dhibta loo geystay loo ballanqaaday inay xukuumadda ka go’an tahay tallaabo adag oo ay qaaddo, isla markaana ay odayaashu dhankooda ka ballan-qaadeen inay u hoggaansamayaan go’aanka xukuumadda, “Iyadoo waxgaradka iyo odayaasha dhibta tirsanayay ay xukuumaddu kulan la yeelatay waxay ku balan qaaday inay tallaabo adag ka qaadayso, odayaashuna waxay balan qaadeen inay go’aankaasi u hoggaansamayaan, iyadoo sidaasi jirtay ayaan shalay duhurkii maqalay war dhiilo leh ka dibna markii aanu meeshii tagnay ee aanu waraysanay waxa naloo sheegay in ninka la dilay aan la weerarin ee laba kooxood oo hubaysan oo sahanna oo iska horyimid ay is rasaaseeyeen ka dibna uu ninkaasi sidaasi ku geeriyooday,” ayuu yidhi Guddoomiye Xaddi.

Axmed Xaddi Sidci wuxuu sheegay xaaladda ammaanka aad loo adkeeyay oo ciidan badan la dejiyay deegaanka Buqdhada oo u dhow deegaanka Seemaal ee sadexda qof lagu dilay, waxaanu xusay inuu halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad. “Dadkii deganaa Seemaal iyo guud ahaan jiidaasi waxaanu ku wayci gelinay inaanay qaadan wax tallaabo ah oo ay sugaan xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay inay tallaabo cad ka qaado dadkii geystay dilkan foosha xun,”ayuu yidhi Badhasaabka Awdal, waxaanu intaasi raaciyay “Taliyaha qeybta booliska Awdal oo isna wuxuu tagay dhinaca jiida Dilla waxaanu odayaasha ku boorinayay adkaynta nabadgelyada iyo inaanay wax aargoosi ah samaynin.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Cali Aw Aadan Meecaad ayaa sheegay inay xalay Gabiley lagu aasay nin ka soo jeeda gobolkiisa oo shalay lagu dilay agagaarka meesha la yidhaahdo Buqdhada. Isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Maanta (shalay) barqadii ayaa nin ka soo jeeda Gabiley lagu dilay agagaarka meeshii habeen hore sadexda qof lagu dilay, markii ay kulmeen sadex nin oo aan hubaysnayn oo reer Gabiley ah iyo koox hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Dilla oo hubaysnaa, ka dibna ninkaasi oo gooni u cararay waxa dhabarka kaga dhacay sadex xabadood,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay oo kale in ciidamo badan oo boolis ah la dejiyay buqdhada iyo deegaanada Ceelbardaalle xaaladuna degan tahay waxaanu dhambaal tacsi ah u diray eheladii dadkii ku dhintay halkaasi oo uu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadkii ku dhintay dhacdadii Seemaal isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories