HomeGuddoomiye Cirro Oo Bogaadiyay Ardayada Ka Qalin-jabisay Dugsiyada Somaliland

Guddoomiye Cirro Oo Bogaadiyay Ardayada Ka Qalin-jabisay Dugsiyada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa  (SL.Post)  Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray dhammaan ba ardeyda kala duwan ee ka qalin-jabisay dugsiyada Hoose/Dhaxe iyo Sare ee Somaliland oo maalintii shalay lagu dhawaaqay imtixaanaadkoodii shahaadiga ahaa.

 

IMG_3639

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye Cirro oo ogsoon sida oo kale na maanka ku haya muhiimadda Waxbarashada iyo faa’iidada ay u lee dahay qaran ahaan, waxa uu sidan u sheegay mar uu saaka la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, waxaana qoraalka hambalyada guddoomiyahu ay u dhigneyd sida tan:

 

 

 

Hambalyada uu Guddoomiye Cirro u Diray Ardeyda Qalin-jabisay:

 

 

Qiime-wayn ayey iigu fadhidaa maanta in aan halkan hambalyo uga diro 24,931 arday oo ka qalin-jabiyey dugsiyada dalka ee hoose/dhexe iyo sareba.

 

 

Bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan ardaydaas dedaalka dheer ka dib maanta dhammaystay waxbarashada, waxan sidoo kale hambalyo u diryaa dugsiyada, macalimiinta iyo waalidkii ku soo tabcay ardaydaas tirada badan ee qalin-jabisay, gaar ahaan waxan hambalyo gaadhsiinayaa hooyooyinka duruufaha badan la soo maray ardaydaas.

 

 

Waxan si gaar ah hambalyo u gaadhsiinayaa ardayda gashay kaalmaha ugu sareeya ee Dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee dalka.

 

 

Waxan leeyahay:-

 

 

Waxbarashadu waa farsamada aad ku anfacaysaan qarankiina.

 

Qarankiinu wuxu ku hawlan yahay sidii uu idiinku abuuri lahaa mustaqbal ifaya oo aad ku naalootaan, idinkana waxa laydinka rabaa dedaal aqooneed oo aad barri kula wareegtaan qarankaas laydiin diyaariyey.

 

Waxa laydinka baahan yahay in aad ku kalsoonaataan aqoonta oo aad saaxiib ka dhigataan buugga iyo qalinka.

 

Ugu dambeyn, waxa aan dardaaran u soo qaadanayaa tuduc ka mid ah Maansadii SIRTA NOLOSHA ee Hadraawi ku yidhi.

 

“Qalinkaa wax suureeya

 

Kugu sima halkaad doonto

 

Saaxiib kal furan weeye

 

Sunto fara ku hayntiisa

 

Weligaa ha sii deynin”

 

 

 

 

 

Halkana ka daawo.

 

 

 

 

DHAMMAAD

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories