Home"Golaha Wakiiladu Xaq Waxay U Leeyihiin Inay Heshiiskan Ansixiyaan Ama Diidaan" Cali...

“Golaha Wakiiladu Xaq Waxay U Leeyihiin Inay Heshiiskan Ansixiyaan Ama Diidaan” Cali Guray

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah UCID Cali Maxamed Yuusuf  (Cali Guray), ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu xaq u leeyihiin inay dib u celiyaan heshiiska DP World ama ay ogolaadaan.

 

blank

 

 

 

WASIIRADU MIYAY WADA SOCDEEN

MISE WAY KALA SOCDEEN.

 

“Wakiilada waxa khuseeya siyaasadda iyo sharciyadda ku gadaaman Heshiiska Maalgashiga DP World(The Plitical And Legal framework Of The DP World Investment Ageement). Marka Wasiirka Maaliyadu ay leedahay heshiisku wuu dhan yahay waxan filayaa inay u jeedo uun intii idin khusaynaysay ee shaqadiina ahayd markaa waa runteed. Marka uu Wasiirka Arimaha Dibaddu leeyahay ma dhama iyaduna runtii bay noqon kartaa oo wuxu ka hadlayaa baan is leeyahay tafaasiishii hoose ee farsamo lama socoto (Technical Details not included) dabcan loomana baahnayn inay faahfaahinta hoose ee arimaha farsamo oo dhan uu wato waayo waxa khuseeya sharci dejintu waa Syaasadda iyo Sharciyadda oo Mashruuca u ah waageerka ku gadaaman ee lagu ilaalinayo in aanu ka bixin ama mus dambeedkaba u ah.

 

 

Marka reerku guri dego ooda dusha ayaa korka sare lagaga wareejiyaa. Dhamaan aqalada, xeryaha geela, xeryaha adhiga, edegyada nirgaha iyo naylaha iyo weliba ardaayadu oo dhami waxay ku dhex jiraan ooda sare ee mus dambeedka la yidhaa wax ka baxsanina ma jiraan.

 

 

Markaa mashruucu hadaanu lahayn sharciyad waa reer aan oodnayn oo aan kala oodnayn ee is dhex qaad ah oo muranka iyo buuqa iyo is qabsigu badanayay. Xoolaha geel iyo adhi iyo inta kale maca dadku waxa kala xadaynayaa ma jiro. Marka reerku degayo wuxu ku degaa tusmo qoys waliba halka uu degayo tusmo ayuu ku degaa waana xeer oo waa la yaqaanaa.

 

 

Waxan uga socdaa Wakiilada xaq waxay u leeyihiin inay Heshiiskan ansixiyaan ama diidaan maaha tafaasiisha hoose ee farsamo ee waa siyaasdda iyo sharciyadda ku gadaaman ee wixii ka baxsan ama ka horimanayaa uu xadgudub ku yahay sharciga. Lakiin wixii aan ka baxsanayn sharciyadda sidii la doono ayaa loo dhigi karaa waana arimo farsamo.

 

 

Sidaa daraadeed waa la odhan karaa labada wasiir way kala hadleen ama waxa odhan karaa waxay ahayd is faham la’aan uu midna ka hadlayay intii Khusaysay Sharci dejinta oo wuu dhan yahay ah midna ka hadlayay maca tafaasiisha farsamo ee ugu yar yar oo markaana ah ma dhama. Adigu hadal iyo dhamaantii musdambeedkii iyo kala tusmayntii Mashruuca Dekedda Berbera waa inta la horgeeyay Wakiilada ama ha ogolaadaan ama ha diidaan.

 

 

Hadda waa malahayga uun ee cidna waxba maan waydiinin

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories