HomeGaroowe: Ilaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo La Wareegay Xarun Xawaaladeed

Garoowe: Ilaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo La Wareegay Xarun Xawaaladeed

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Garoowe (SL.Post) Ciidamada ka tirsan kuwa ilaaliya Madaxweyne ku-xigeenka mamulka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta la wareegay xarunta weyn ee ay ku shaqayso Xawaaladda Amal.

 

13925051_1100957599974490_2591818459763237220_n (1)

 

 

Masuul katirsan Shirkadda Amal oo magaciisa qariyay ayaa warbaainta u sheegay  in ciidamada goobta qabsaday yihiin ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo meesha ku yimi amar ay ka haystaan Camay.

 

 

Ujeedka xarunta loo qabsaday ayaa lagu sheegay inay tahay lacag baad ah oo madaxweyne ku-xigeenku ka dalbaday Amal kaasoo cadadkeeda lagu sheegay $70,000.

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa mas’uuliyiinta shirkadda ku wargaliyay in lacagtaasi loo adeegsanayo soo celinta gobollada muranku ka taaganyahay ee Sool iyo Sanaag.

 

 

Dalabka Camay, waxaa gaashaanka ku dhuftay maamulka ugu sarraysa xarunta waxayna tilmaameen inaysan bixin karin lacag intaas le’eg maadaama ay yihiin shirkadda gaar loo leeyahay.

 

 

“Saaka waxaa xarunta yimid ciidamo ku hubaysan tikniko, waxay qabsadeen xarunta Amal ee kasoo horjeeda dhismaha UNSOM, waxay diideen inay gudaha xarunta u galaan shaqaalaha, muddo ayay halkaasi joogeen ilaa markii dambe madax katirsan shirkadda tageen madaxtooyada oo loo sheegay inay bixiyaan lacagtaas.”Sidaas waxa sheegay mid kamid ah howl-wadeenada shirkadda Amal Garowe.

 

 

Ciidamada xarunta qabsaday ayaa markii dambe goobta isaga baxay, waxaana iminka socda wada-hadallo ku aadan qorshaha dowladdu doonayso.

 

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda madaxweyne Gaas taasoo ku aadan qorshaha uu ku dhaqaaqay madaxweyne ku-xigeen lamana oga in madaxweyne Gaas talaabadaas ku raacsanyahay ku-xigeenkiisa.

 

 

Waxa xusid mudan in horay xukuumaddu u samaysan sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada kaasoo lacago badan ku bixiyeen bulshada ku dhaqan dalka, dibadda iyo ganacsata.

 

 

Lama oga halka lacagtaasi ku dambaysay iyadoo horay cabashooyin wax qabad la’aan u muujiyeen ciidamadii ku dhawaacmay difaaca Puntland.

 

 

Arrintan ayaa saaka noqotay hadal haynta ugu badan ee magaalada Garowe iyadoona noqotay tallaabadii ugu horraysay ee ay ku dhaqaaqaan ilaalo amar ka haysta madaxda ugu sarraysa dowladda.

 

 

Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories