HomeDowladda Ethiopia oo ka hadashay Muhiimadda Dekedda Berbera u leedahay Dalkooda

Dowladda Ethiopia oo ka hadashay Muhiimadda Dekedda Berbera u leedahay Dalkooda

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso Somaliland, Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrika.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxay sidaas ku sheegtay barnaamij dukumantari ah oo uu baahiyey Telefishanka Qaranka Itoobiya, oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanay tilmaantay in hore loogu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan casriyeynta marsadda Berbera.

blank
Wasiirka Gaadiidka Ethiopia

Degmawit Moges waxay sheegtay in Itoobiya oo hore u isticmaali jirtay dekedda Jabuuti oo ku filnaan weyday, isla markaana ay ku qasbanaadeen inay qayb ka noqdaan isticmaalka dekedda Berbera, maadaama oo bulshada dalkoodu aad u badan tahay.

Wasiirka Gaadiidka waxay intaas ku dartay in wejigii hore ee ballaadhinta dekedda Berbera dhammaaday isla markaana ay dekedda ku soo xidheen Maraakiib waaweyn iyo Koontiinarradii ugu badnaa waxaanay ku dooday inay dekedda Berbera ka faa’iidaysan doonaan dad ku dhow Laba Boqol oo Milyan oo qof oo ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika.

Waxa kaloo ay sheegtay in dekedda Berbera ay dabooli karto baahidii dekedeed ee ay Itoobiya haysatay, waxaanay xustay inay wadajir uga qayb-qaadanayaan horumarinta dekedda dawladaha Somaliland, Ethiopia iyo DP World.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa ay xaqiijisay in wax-soo-saarka Beeraha Koonfurta Itoobiya laga dhoofin doono dekedda Berbera, isla markaana wixii ay u baahdaan kala soo degi doonaan dekeddaas, waxaanay caddaysay inay dekedda Berbera ay qiime ahaan aad u macquul tahay.

@Dawan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories