HomeDjibouti Iyo Somaliland Oo Heshiis Xaga Amniga ah Kala Saxeexday

Djibouti Iyo Somaliland Oo Heshiis Xaga Amniga ah Kala Saxeexday

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Djibouti (SLPOST)Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, iyo wefti uu hogaaminayay ee socdaalka shaqo

nuxurka-kulan-saylac-ku-dhexmary-somaliland-iyo-djibouti-

 ku joogay  dalka Jabuuti ayaa dhigiisa waddanka  Jabuuti la saxeexday heshiis iskaashi oo labada waddan isku waafaqeen inay iskaga kaashadaan sugida ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Heshiiskan maanta magaalada Jabuuti ku dhex-maray laba dawladood waxaa qalinka ku duugay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade iyo Wasiir arrimaha gudaha Jabuuti  Md.Xasan Cumar Maxamed.

Wasiir Cali Waran-cadde,ayaa saxaafadda u sharaxay heshiiska labada dawladood kala saxeexdeen waxaanu yidhi “Waxaan  ku faraxsan nahay in aanu maanta halkan ku kala saxeexano heshiish ka kooban dhowr qodob  oo aanu la galnay annagoo ka wakiil ah labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti, heshiiskani waxa uu xooga saarayaa sidii labada dal wada shaqayn uga yeelan lahaayeen sugida ammaanka, isu-socodka labada shacab sidii loo fududayn lahaa iyo la dagaalanka Argagixisadda. waxa kale oo aanu ka wada hadlaynay  arrinta kootarabanka iyo wixii dhibaato labada wadan ku ah inaanu iska kaashano, waana  talaabadii u horaysay ee Somaliland iyo Jabuuti iska kaashadaan waxaan filayaa inaanay noqon tii u dambaysay,”

Md.Cali Waran-cade waxa uu ku dooday inay labada dawladood ka shaqaynayaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskan,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“labadayada wasiirna waxaan balan qadaynaa sidii aanu iskugu soo dhawayn lahayn laba shacab iyo labada dawladood oo wada shaqayntoodu noqota mid midho dhala.”

Labada Wasiir waxay  kormeer ku soo mareen  xarunta taliska ciidamada booliska Jabuuti, halkaas oo ay salaan sharaf  kaga qaateen ciidamada booliska Jabuuti, waxaanay ciidamada booliska Jabuuti halkaasi ku soo bandhigay qaababka ay uga hortagaan mudaharadyada.

Weftiga uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories