HomeDibad-baxyada Ka Socda Itoobiya Oo Maalintii 3-aad Galay Iyo Khasaare Nafeed Oo...

Dibad-baxyada Ka Socda Itoobiya Oo Maalintii 3-aad Galay Iyo Khasaare Nafeed Oo Laga Soo Sheegayo Inay Ka Dhasheen

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Addis-Ababa (SL.Post) Dad badan, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen magaalada Bahir Dar ee ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Itoobiya, kaddib markii ay isku dhaceen Booliiska iyo dad mudaharaadaya.

 

 

blank

 
Jimcihii Booliiska ayaa dad ku xirxiray magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa kaddib markii ay mudaaharaad ka dhigeen

 

 
Dawladda ayaa la kulmaysa mudaaharaadyo waawayn oo ay dhigayaan labada qawmiyadood ee ugu waawayn dalka Itoobiya oo kala ah Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo ka cadhaysan arrimo la xidhiidha dhul iyo in lagu tuntay xuquuqdoodii.

 

Dhinaca kalena baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan ayaa laga xidhay dalka oo dhan, intaba badana internerka ayaan shaqaynayay tan iyo jimcihii.
Booliiska magaalada Bahir Dar ayaa rasaas cirka u riday ,sunta dadka ka ilmaysa isticmaalay si ay ukala eryaan kumanaan dad ah oo jidgooyooyin dhigtay wadooyinka iyaga oo qaadayo hal ku dhagyo ka dhan ah dawladda.

 

Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in dadka mudaaharaadaya ay hanti burburiyeen ayna isku dayeen in ay xafiisyada dawladda ka taagaan calankii hore ee Itoobiya.

 

Wararka qaar waxay sheegayaan in tiro dad ah lagu toogtay oo lagu dilay halkaas laakiin tiro rasmi ah wali lama hayo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay indhihiisu qabteen saaxiibkii oo laamaha ammaanku ay madaxa ka toogteen.

 

Habeenimadii xalay ahayd mudaaharaadyo waawayn ayaa ka sii socday gobolka Oromada ee ugu wayn dalka Itoobiya, booliiskuna dad badan ayay xidheen.

 

Dawladda ayaa mudaaharaadyada ka mamnuucday dalka oo dhan.

 

 

Inkastoo mudaaharaadyadu ka bilawdeen walaac dhanka dhulka, hadana waxaa ku darsamay mawduucyo ay ka mid yihiin takoor, xabsi aan kala sooc lahayn iyo eedaymo sheegaya in la dilayo mudaaharaadayaasha.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories