HomeDhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (8): Qisada Caashaqii...

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (8): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen –“Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

Date:

Related stories

Somaliland: Growing public suspicion and concern over citizenship law changes

Hargeisa (SLpost)- A growing public debate has emerged in...

Somaliland–Taiwan Relations: An Alliance Built on Isolation

Two governments that the world largely refuses to acknowledge...

Somaliland urged to take dispute with Somalia to International Court of Justice

Hargeisa (SLpost)- Somaliland veteran and academic Prof. Abdisalam Yasin...

Five geopolitical questions behind Somaliland’s international engagement in the United States

Analysis by Somalilandpost News Part One of Somalilandpost News’ analysis...

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Hargeysa (SLpost)- Xagaagii sannadkii 1968kii goor habeennimo ah, ayaa gabadh ay Lampsos deris ahaayeen, oo Jiina lagu magacaabaa, waxa ay ka codsatay in ay kala soo qaybgasho casuumad casho ah oo saygeedu dad kala duwan isugu yeedhay. Lampsos oo markaas 16 jir ahayd ayaa casuumaddaas aqbashay, si aad u qurux badan ayaa ay u labbisatay, laakiin ma’ay ogeyn in ay noqon doonto hadyad lagu soo dhoweeyo Saddaam Xuseen oo isna xafladda imanaya. Markii si caadi ah loo wada casheeyey ayaa waxaa la bilaabay muusig qaboow, oo dadkii goobta joogay ay laba-laba qoob ka ciyaar isugu baxaan. Haddaba markii xaal halkaas marayey maxaa dhacay, waa tan Lampsos oo ka sheekaynaysaa. “Anigu waxa aan la ciyaarayey Xaaris, oo ah gabadha i soo casuuntay ee Jiina odaygeeda, aniga oo aad u qoslaya ayaa waxa aan mar keliya ku war helay saddex nin oo soo galay qolkii. Midkood ayaa markiiba si aa ah ii soo eegay. Waxa uu ahaa nin labbis aad u qurux badan ku xarragoonaya, Suudh buluug ah iyo shaadh caddaankiisu xad dhaaf yahay ayaa uu xidhnaa. Waxa ugu horeeyey ee i soo jiitayna waxa ay ahaayeen labadiisa indhood ee sida dahabka u widh-widhaya. Waa aanu is barannay isaga oo ii sheegay in magaciisu yahay Saddaam. Markaas da’diisu waxa ay ahayd 31 sano jir, waxa aanu ahaa nin saamayn badan ku dhex leh xisbiga Bacaska oo uu madaxdiisa ka mid ahaa, laakiin anigu sidaas uma aan garanayn. “Indho dahabi ah oo aad u qurux badan ayaa uu lahaa. Aad ayaa ay quruxdiisu ii soo jiidatay. Nin dhab ah ayaa uu ahaa, Saddaam” ayaa ay tidhi Lampsos oo dhowaan warbaahinta u warrantay.

Halkaas oo ahayd qolka fadhiga ee guriga Jiina iyo Xaaris Khayaat, xilli ay rikoodhka ka baxaysay heesta “Strangers in the Nights” oo uu qaado fannaanka Frank Sinatra ayaa uu bilowday Jacaylka Saddaam iyo Lampsos oo ay sheegtay in uu socday muddo 30 sano ah oo uu maray xaalado qallafsanaan, cabsi, iyo haddadna kalgacal ah. Waxa se ay sheegtay in uu aanu muddadaas dheer si xidhiidh ah jacaylkooda iyo xidhiidhkoodu u socon.

Lampsos oo sheegtay in Saddaam Xuseen uu ugu yeedhi jiray, Shaqraa’ oo ah erey afcarabi ah oo loo isticmaalo timaha midabkoodu caddaanka yahay. Waxa ay buuggeeda “Mitt Live Med Saddam” Noloshii aan la wadaagay Saddaam oo ku qoran afka Iswiidhiska (Swedish) ku sheegtay in Saddaam Xuseen uu si gaar ah uga helay dabeecadaheeda ay kaga duwanayd dumar badan oo uu ku xidhnaa.

Haweenaydan imika 57 jirka ah oo muddo sannado badan ah si qarsoodi ah ugu noolayd tuule looga yaqaanno Maria waxa ay isku ammaantay in ay ahayd gabadh aan lacag iyo hunguri wadin, kibirka aan aqoonin, nolosheedana ku qanacsanayd aadna ugu faraxsanayd. Aabaheed in kasta oo uu Giriig ahaa haddana waxa uu isir ku lahaa dalka Lubnaan oo uu muddo dheer deggenaa, laakiin markii dambe waxa uu u soo wareegay dalka Ciraaq oo uu shaqo aad u fiican ka helay wax-soo-saarka shidaalka ee xilligaas si xawli ah u korayey dalka Ciraaq, sababtaas awgeed ayaanu si rasmi ah ugu soo guuray Ciraaq oo ay ku dhalatay Lampsos.

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories