HomeDhan Baan Ahayoo, Dhedhexaad Ma Noqon Karo!

Dhan Baan Ahayoo, Dhedhexaad Ma Noqon Karo!

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Anigu, Maxamed Baashe ahaan, waxa aan isku tiriyaa inta u qoolan ee u dabran danta guud, una xidhan ilaalinta qaddiyadda ummadeed. Sidaas awgeed, waxa aan ka mid ahay inta dantaas daba socota ee hadba halka ay is leeyihiin way gashay ka daba gala.

Cid kasta oo aan haddaba is leeyahay waxa ay u dhowdahay dantaas guud ayaan u dhowaadaa oo aan taageeradayda siiyaa. Cid kasta oo aan is leeyahay way ka fog tahay na waan ka durkaa oo taageeradayda ma siiyo. Taas ayaa keenaysa in aan dhan noqdo oo aanan dhexdhexaad marna ba noqon maanta oo kale. Taas ayaa ii jiidaysa in aan taageeradayda u hibeeyo Muuse Biixi Cabdi tartanka xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi ayaan siinayaa taageero af iyo addinba ah, hiil iyo hooba ah! Waayo, waxa aan is leeyahay isagaa inta la tartamaysa dantaas guud iyo qabyo-tirkeeda ugu dhow.

 

Murrashaxa xisbi kasta ka soo baxayaa waa muhiim. Waayo waxa uu ku socdaa hoggaamintii ugu sarraysay ee waddanka. Taas baa keenaysa ahmiyadda kala xulashada haddii tartan yimaaddo. Hadda haddii xisbiga Waddani tartan noocaasi ka dhex aloosmo waa khasab in xulasho timaaddaa oo cid la taageeraa.

 

Muuse Biixi Cabdi anigu sida dad badani ku doodaan uma arko askari keliya ee waxa uu iigu muuqdaa dhakhtar khibrad iyo waaya-arag ku ah qalliinka uur-ku-jirta iyo obocda siyaasadda Somaliland iyo mandaqadda gobolka Geeska Afrika.

 

Waa siyaasi gaadiiday oo ka garaaddo gooyey aqoonta iyo waayaha nololeed ee aan dhalanteedka ahayn ee dalka iyo dadkiisa. Wuxu ula noolaa si sokeeyennimo ah wacaalaheeda iyo kasmo-wadareeddeeda gelinba halkii ay joogtay, tognaan iyo tabnaan, samaan iyo xumaan.

 

Waxa uu ugxantiisa iyo beerkiisa ku aaminay oo dhigtay waddankiisa. Intii uu aabbe u noqday iyo intii uu awoowe u noqday ba lama uu abraarin oo badaha kala uu tallaabin oo meel durugsan iyo reero kale muskood ma soo dhigan, oo dib kiishado madhan uma soo tollannin, oo lama soo noqon, ee waxa uu ku qallajistay halkii uu isku qooyey oo ah rugtii iyo raaskii hooyadii iyo aabbihii ku dihdeen.

 

Waa hoggaamiye dadkiisa iyo dalkiisa u yaqaan qof qof iyo degmo degmo. Nolosha dadkiisa la nool oo yaqaan, oo hilaadin kara waxa kaga iman kara, waxa mudnaan kara iyo sida oodo dhacameed u kala sarreeyaan ee loo kala guri karo. Bari iyo Galbeed degmadu way isugu xidhan tahay. Nin Alle yaqaan ah oo u muxaafid ah, adna ku yaqaan oo kula nolol ah ayaa masiirkaaga lagu aamini karaa oo ka arrimin kara.

Waa hoggaamiye go’aan qaadasho leh oo dhiirran, ku dhac leh, oo socodsiin kara siyaasaddiisa, himiladiisa iyo higsigiisa. Somaliland uma baahna hoggaan jilicsan oo qabiilka iyo qabyaaladdu ka adag yihiin oo aan socodsiin karin xeerka iyo qawaaniinta dawladnimo.

 

Waa nin laabxaadhan Muuse oo badheedhe cad oo Somaliland lagu aamini karo oo isku kalsaan oo aan looga baqayn inuu duurka la xulo ama dalow ka shalwiyo. Lexlojeclo badan baan ku ogahay agtiisa.

Ma dhalliil la’aan karo oo taas waa u aadami, hase yeeshee tabantiisa waxa ka xoog badan oo u daboolaysa togantiisa intaas sare iyo ino kale ba ka mid yihiin.

 

Waxyaalahaas iyo qaar kale oo la xidhiidha, ayaa iiga dooraya Muuse Biixi Cabdi ragga la loollamaya ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Waxa ii dhowaynaya dareenkayga ku aaddan inuu uga dhow yahay dantii guud ee aan daba socdey.

 

Hadda ma lihi ragga kale ee la tartamayaa u cadow ah dantaas guud. Xaasha uma aha, hase yeeshee Muuse ayaa iigu muuqda inuu kiilo mitirro badan uga sii dhow yahay.

Taas buu ku kasbanayaa taageeradayda af iyo addin ama hiil iyo hoo, oo aan golaha dhexe ee Kulmiye ee xulashada leh sharciyan na, aan ku bogaadin lahaa haddii ay sidiisa u gutaan waajibkaas qaran ee taariikhda baalasheedu u soo haliilayaan in ay diiwaan geliyaan.

‘La isku ma jiree, Juun baannu nahay!’

 

 

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories