HomeDhalinyarada Gobalka Saaxil Oo Taageeray Heshiiska Xukuumada Somaliland La Gashay Shirkarda Dp...

Dhalinyarada Gobalka Saaxil Oo Taageeray Heshiiska Xukuumada Somaliland La Gashay Shirkarda Dp world

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (Somalilandpost.net) Qaar ka mida dhalinarayada gobalka Saaxil ayaa soo dhaweeyay heshiiska xukuumada Somaliland ay la gashay shirkada Dp world ee laga lee yahay dalkaasi Imaaratka, waxaanay bogaadiyeen madaxweynaha Somaliland  Md; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  dhamaan masuuliyiinka ka soo shaqeysay heshiiskaasi iyo baarlamaanka Somaliland oo aqlabiyad ku ansixiyay todobaadkii la soo dhaafay.

Dhalinyaradan oo saaka shir jaraa’id ku qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in heshiiska ay cabasho jirto isla markaana odayaasha iyo wax garadka gobalku u gudbiyeen xukuumada rajeynayaana is af-garad ku dhamaan doono. Ugu horeyn waxaa shirkaasi jaraa’id  ka hadlay Xuseen Faarax Jaamac,waxaana uu  faah-faahin ka bixinayay ujeedada shirkooda jaraa’id daaran yahay, waxaanu cadeeyay in si buuxda ay u taageersan yihiin heshiiska xukuumada Somaliland ay la gashay shirkada Dp world, waxaanu tilmaamay in shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta wax badan ka qab doono waxaana uu yidhi “maanta shirkan jaraa’id ee aanu iskugu nimid maadaama aanu nahay dhalinyarada iyo aqoonyahanada gobalka Saaxil, inaanu taageero buuxda la garab istaagno maalgashiga dekeda Berbera ee caamaliga ah ku samaynayso shirkada Dp world, dhalinyaro ahaan heshiiskaasi waxaanu u taageeraynaa mashruucaasi waa mid horumar u soo jiidaya guud ahaan Somaliland dhalinta ku nool ee maanta badan koodu badaha ku madheen oo ay ragaadisay shaqo la’aan”. Ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “waxaanu bogaadin u soo jeedinaynaa madaxweynaha Somaliland  Md; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  dhamaan masuuliyiinka ka soo shaqeysay heshiiskaasi gaar ahaan safiirka Somaliland ee Imaaratka Ambassador  Baashe Cawil”.

Cabdi Ibraahim Nuur Cabsiiye oo kamid ahaa dhalinyaradii shirkaasi jaraa’id ka hadashay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan aad u taagersanahay heshiiska xukuumada Somaliland la gashay shirkada Dp world, waxaan soo jeedinayaa in shacbi waynaha reer Somaliland ay taageeraan gaar reer Saaxil isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaasi qaaliga ah, taas oo aanu ugu mahad naqeyno  madaxweynaha iyo gudidii ka soo shaqeysay oo ugu horeeyo Ambassador Baashe Cawil”. Ayuu  yidhi Cabdi Ibraahim Nuur Cabsiiye, waxaanu intaasi ku daray “waxa jira cabashooyin ay dadweynaha gobalka Saaxil qaarkood ka muujiyeen heshiiskaasi dhexmaray xukuumada iyo shirkada Dp world, cabashoyinkaasi oo waxgaradka iyo odayaasha gobalka Saaxil u gudbiyeen xukuumada waxaanu rajeynaynaa inuu is af-garad ku dhamaado”,

Aadan Axmed Amare oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa xukuumada Somaliland u soo jeediyay inay mashaariicda hroumarineed ee dalka ku maamulaan hayaan wacan oo xaqsoor ah gaar ahaan mashruucan balaadhan ee lagu horumarinayo dekeda Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories