HomeDeegaanka Beer Oo Laga Hirgaliyey Kuuliyad Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha

Deegaanka Beer Oo Laga Hirgaliyey Kuuliyad Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Burco(SLpost)– Dugsi cusub oo lagu baran doono culuumta beeraha ayaa laga furay deegaanka Beer ee gobolka Togdheer. Dugsigan oo la yidhaa Beer Agricultural School ayaa munaasibadda wanqalka furistiisa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta iyo maamulka gobolka Togdheer, aqoonyahanno iyo dadweyne Kale.

 

 

Dr. Axmed Xaaji Xasan Cawad oo isagu hirgeliyey dugsigan ayaa ka warbixiyey muhiimada dugsigani leeyahay iyo xaaladda keentay in dugsigan la furaba, isaga oo yidhi “Hindisaha dugsigani waxa uu ka dhashay abaarihii dhacay 2010-2011-kii oo aanu wax ka qabashadooda ula tagnay dalka Jarmalka, waxaana aanu rabnaa in aanu maanta furno dugsigan oo sabtida ay casharadu bilaabmaan, oo ilaa September uu ku socdo maalinle laakiin wixii ka dambeeya laga dhigayo Iskuul seexasho ah (Boarding)”.

 

 

“Waxa aynnu u barannay bariis iyo baasto,  annagu qamadi iyo hadhuudh baannu soo saaraynaa. Iskuulkani waxa la doonayaa in uu soo saaro cuntadeenna” Ayuu yidhi hirgaliyaha dugsigan Dr. Axmed.
“Waxa aannu doonaynaa in gobolada Somaliland gobol walba 5 qof ka yimaadaan, beerna 7 qof aannu ka qaadanno. Xirfadlaha beeraha ayaa loogu talagalay in uu iskuulkanni soo saaro, dugsiganna dhaqaale badan baa ku baxaya xoogana waxa aannu saaraynaa tayaynta waxbarashada” Ayuu yidhi maamulka dugsiga, Muuse Yuusuf Raabbi.

 

Guddoomiye xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabo cilmiga beeraha iyo barashadiisa, waxa kale oo aasaasaha iyo maamulkaba ugu mahadnaqay hirgalinta dugsigan qiimaha badan.

 

Ugu dambayn Maayarka degmada Burco mudane Muraad ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in ay caawinayaan oo ay is barbar taagayaan dugsigan isaga oo sheegay in ay kalfadhigan ugu darayaan miisaaniyad dugsigan lagu dhaqaajiyo, waxa kale oo uu u mahadnaqay maamulka dugsiga. “Dugsiyada kale ee aannu caawinno ee aannu shidaalka siinno uun buu kanna ka mid noqoyaa, taanna waxa igula qiimo badan in aannu kalfadhigii miisaaniyadda wax u galinno”.

 

Somalilandpost Office, 2015

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories