HomeDawladda Turkiga oo sheegay in ay Joojisay Lacagihii Tooska ahaa ee ay...

Dawladda Turkiga oo sheegay in ay Joojisay Lacagihii Tooska ahaa ee ay Siin Jirtay Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Ankra (SLpost)- Mid ka mid ah deeq bixiyeyaashii somaliya ugu muhiim sanaa oo ah Dowladda Turkiga  si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay joojisey dhaqaalihii ay sida tooska ah u siin jirtey dalka Soomaaliya, dhaqaalahaas oo badankiisa lagu bixin jirey gargaarka bini aadamtinimada iyo weliba mashaariicda dhanka horumarinta bulshada la xidhiidhta,gaar ahan cusbitaalada iyo wax u qabashada dadka barakay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, ayaa uu daboolka ka qaaday in horaantii sanadkan la joojiyey cawimadii tooska ahayd ee uu siin jiray Turkigu xukuumadda Somaliya.

Sarkaalkan oo la weydiiyey inay jiraan wada-hadallo u socda labada dhinac oo ku aaddan sidii sanadkan 2014 dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii Turkiga sida tooska ah u siin jirtay Soomaaliya iyo in kale, wuxuu ku jawaabay waxa uu sheegay in anay dawladiisu diyaar u ahayn in ay qorashaasi hada dib u bilaydo waxana uu yidhi, “xilligan taas wax ku tala gal ah kama lihin, qorshahana nooguma jirto”

Ma cadda xaddiga ay leekayd lacagta ay sannad walba xukuumadda Ankara caddaan ahaan u siin jirtey Dowladda Soomaaliya, haseyeeshe Cabdisalaam Cumar Hadliye oo ah guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddadii uu xilkaas hayey ay bil walba bankiga dhexe kusoo dhici jirtey lacag dhan $4.5 milyan oo dowladda Turkigu ay ku deeqday.

Turkiga  ayaa si wayn loogu xasuustaa oo qaybta ugu weyn ka qaatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011, wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey mashaariic horumarineed badan, wuxuu sidoo kale dhisay goobo waxbarasho, Cusbitaallo; iyo weliba dayactir lagu sameeyey xarumaha dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha gaar ahaan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale arritani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu madaxwaynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ku Suganyahay dalka Turkiga oo uu u joogo safar caafimaad,ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay in ay dawladda Turkigu joojiso cawimadaasi balse waxa loo anaynayaa in ay u joojisay musuq maasuq lagu sameeyaya lacagta caawimada ahayd ee Turkigu tooska u siin jiray somaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories