HomeDawladda Somaliya oo shaacisay in dhammaadka Sannadkan lagu wareejinayo maamulka hawada Sare...

Dawladda Somaliya oo shaacisay in dhammaadka Sannadkan lagu wareejinayo maamulka hawada Sare oo Somaliland Shuruud uga dhigtay sii socoshada wada-hadallada

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta, boostada, isgaadhsiinta iyo gaadiidka ee Somaliya Cabdilaahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa sheegay inay Dawladda Federaalka ee Somaliya dhammaadka sannadkan la wareegi doonto maamulka hawada sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Somaliya.

Mr Ciil-mooge oo shalay warbaahinta ugu warray madaarka magaalada Muqdisho ka dib marki uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Montreal  ee dalka Canada uu uga qeyb galay shir looga hadlayay Duulista hawada oo sedaxdii sanaba mar la qabto, ayaa ka warramay qorshayaal ku aadan sidii dowladda Soomaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka shirkadda qaabilsan xagga hawada ee fadhigeedu yahay magaalada Nairoobi ee gacanta ku haysa maamulka hawada Somaliya.

ciilmooge“Waxaan ka qeyb galay shir saddexdii sano mar la qabto oo looga hadlo arrimaha la xidhiidha duulista iyo hawada oo Soomaaliya Muhiimad gaar ah u leh.  Waxaan la 1-da Jeenawari ee sanka Cusub  la wereegi doonaa Xafiiska hawada Soomaaliya oo loo soo wareejin doono magalaada Muqdisho,” ayuu yidhi Mr Ciil-mooge.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli muran xagga maamulka hawada Sare ee dalweynihi laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia uu dhexeeyo Somalland, iyada oo is-marin-waaga arrintan laysku af-gartay isla markaana uu ka mid ahaa ajandaha Wada-hadalladii u dambeeyey ee labada dhinac ku dhexmaray dalka Turkigu kaas oo dhigayay in magaalada Hargeysa laga dhigo xarunta laga maamulo maamulka hawada sare ee Soomaalida, isla markaana la magacaabo guddi labada dal ka kala tirsan oo loo xilsaaro maamulidda sare, isla markaana si siman loo wadaago dhaqaalaha ka soo xeroodo lacagta laga qaado diyaaradaha ku socdaala hawada Sare ee Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyey socdaalka uu Wasiirka Warfaafinta kaga soo laabtay dalka Kanada iyo haddii maamulka hawada sare ee Somalida lagu wareejiyo Muqdisho, ayaa sheegay inay Somaliland ka baxayso wada-hadallada u dhexeeya Somalia haddii maamulka Muqdisho Jabiyo heshiishka lagu gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaate arrintan ayaa Caqabad hor leh ku noqon doonta sii ambo qaadista wada-hadalada labada dal ee Turkigu dhexdhexaadinayo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories