HomeDadka U Dhinta Sababta Sawir Ay Iska Qaadayeen Oo Batay Iyo Dal...

Dadka U Dhinta Sababta Sawir Ay Iska Qaadayeen Oo Batay Iyo Dal Mamnuucay In Meelaha Qaar Lagu Galo

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Delhi (SLpost)- Wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa warbixin ay dhowaan baahisay ku sheegtay in tiro-koob ay ilo rasmi ah u adeegsatay ay ku ogaatay in sannadkii ina dhaafay ee 2015 ay 27 ruux meelo kala duwan oo dunida kamid ah ugu dhinteen sababo la xidhiidha sawirka talefannada casriga ah la iskaga qaado ee Selfie afka qalaad lagu yidhaahdo, dadkaas oo kala badh ay ku dhinteen dalka Hindiya.

Sawirka Selfie loo yaqaanno ee qofku uu gacantiisa iskaga qaado ayaa muddooyinkan noqday balwad ay dadku aad u xiiseeyaan, marar badanna la isku xujeeyo ama lagu tartamo qofka sawirka ugu fiican ee Selfie ah iska qaada ama sawirka ugu dhiirran iska qaada. Laakiin waxaa soo baxaysa in sawirradani ay ka mid noqonayaan sababa dadku u dhintaan kadib markii ay korodhay tirada dadka xiisaynaya in sawirkan ay iskaga qaadaan meelo khatar ah, sida tariinnada dheereeya hortooda, cidhifka webiyada, badaha, gebiyada dhaadheer iyo guryaha aadka u dhaadheer oo ay dhacdo in qofka isu-dheelli-tirnaantu ka lunto oo uu dib u ciiro, kadibna dib uga shalqado ama ku dhaco dhabbaha tareenka, sidoo kale waxa ay dadka qaar ku istaagaan jambiyada laashashka dalxiiska loogu galo badweynta oo ay dhacdo in marka uu qofku cidhif iskaga taago in ay rogmadaanba.

Arrintani waxa ay dowladda dalka Hindiya ku qasabtay in ay aqoonsato khatarta nafeed ee ka dhalata ficilkan, sidaa awgeed waxa ay soo saartay sharci adag oo mamnuucaya in qofku uu sawirrada Selfie iskaga qaado 10 meelood oo ka mid ah dhulka dalxiiska caanka ku ah ee dalka Hindiya.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in inkasta oo g’aankan ay dowladda Hindiya doonayso in ay ku xakamayso ficilkan khatarta ku keenay nolosha dadka, haddana uu raysalwasaaraha dalkaas Narendra Modi uu caan ku yahay in uu sawirrada Selfie ku galo munaasabad kasta oo muhiim ah, taas oo ka dhigtay in uu ka mid noqdo siyaasiyiinta dunida ugu caansan dhinaca jacaylka sawirrada Selfie ah, laakiin haddana weli laguma eedayn in uu jebiyey xeerkan maadaama oo goobaha uu ku gelayaa ay yihiin kuwo aan khatar badan lahayn.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories