HomeCuradkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal,

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal,

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

(1936kii – 2016ka)

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada:9aad

Hargeysa, 24/1/2016ka,

Loo daabay udubbada,

Loo daruuray dhigihii,

Laga moosay daadkii,

Lagu deyray xeerkii,

Docda ilo-xidhkiisii,

Dermadiyo asgogolkii,

Barkimadi dul saarnayd,

Waa maxay dabeylahan,

Duudduubay gogoshii?

Daadoo yaabban baa tidhi:

“Daldaloolku waa maxay?

Dabo-saarki food-saar,

Dugayeey is-dhaafshaye,

Intaan aqalku iga dumin,

Darroorrimo ma celiyee,

Duul Alloow I kaalmee,”

Dumar waayo-araggii,

Waxay tidhi Dahabo-cadar:

“Dul iyo hoosba aqalkii,

Dib in loo furfuro iyo,

Kala daadi mooyee,

Dawiyo maaro kale ma leh,

Hadda Deylo say tidh:

“Dareemadiyo maadhii,

Duleedkay ku yaalliin,

Diirashada galoolkuna,

Iyaduna ma durugsana,

U dareeri caws kale,

Ama duubashida taal,

Uga saar hal-doorkoo,

Dabo-saar halkiisii,

Daadooy ku kala bixi”,

La ye Daado uma rixin,

Waxay tidhi Dahabo-cadar:

“Udub soo dabtaa jira,

Deri iyo janjeedho leh,

Haddii laga il-duufona,

Dhigihii dalaysnaa,

Yuu dalab u yeelaa,

Wuu xagal-ka-daacaa,”

Dalays iyo Guduudaa,

Kebeddii dareershoo,

Daahii xidhaayoo,

Deelleey ku heesoo,

Durba waxay ku qaadeen,

Dumarkii horaa yidhi:

“Daadooy digtoonow,

Awr dabar la’aan dhacay,

Yaan duqaagu kugu furin,

Daadooy ha daganine,

Dabo-saarka hadimeed,

Aqalkii dugsiin waa,

Dumis buu u halis yahay,

Yaan lagugu digannoo,

Doca-dalool laguu bixin,

Alla-doori waayeey,

Ninku yuu dabayshoon,

U-darsiyo ka-raysiga,

Kala dooro kii daran,”

Buuggiina waan dayey,

Durbaankii Hargeysiyo,

Xamarba isku soo daray,

Daayeer la tabobaray,

Dugaaggaa abaal-guda,

Daryeelkeedi gobannimo,

Dayac-tirihi sooyaal,

Haddaan cidi danaynayn,

Dadnimooy mudnaantaa,

Dul ahaan abuurtaba,

Kii loo dellegay oo,

Inta loo danaasacay,

Wada dala’sanaayoow,

Dibudhac iyo daahniin,

Degdeg iyo horuu durug,

Da’ kastaa aqoonteed,

Waa dardaaran maansadu,

Dib wax loogu aayaa,

Deelleey ku baaqdee,

Daganaha in loo digo,

Dawankaw garaacdee,

Waxa loo dan leeyahay,

In qabiilku dabar-go’o,

Kii daaya yidhiyoow,

Musuq daahan baad tahay,

Hadal daaqsin geel jira,

Waagaan dul mari jiray,

Ma wixii I daashaday,

Gadhka deebta iga dhigay,

Yaad dabada haysaa?

Sheydaanki damagsane,

Dib Ilaahay ugu noqo,

Keliyuu ka didayaa,

Dad uu soo qabbaansaday,

Doocooda wadartiyo,

Ka hor yimi dareenkii,

Haddii loogu daw-galay,

Anna daafac Qarannimo,

Doodda aan u jilib-dhigo,

Gal dad liq ah ul lagu dayey,

Dalaaqdii indheer-garad,

Dibnaheeda soo galay,

Daankaa la dhigayaa,

Dac-gudh iyo qallalan iyo,

Da’-fur bay ku sheegtee,

Danbaska sheeko-baraleey,

Dheguu uma daloolaan,

Wax u dan ah wixii daran,

Danyar kala ogaatoo,

Dibjir lama luggooyoo,

Dulucdiyo ujeeddada,

Doodda iyo maansada,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Markaan duubto weerka cad,

Halgankii is-dabo-joog,

Kuwii igu danbaabee,

Inta waalan igu daray,

Ma maantaan u daganahay?

Dulinkiyo qaniinkii,

Hasha duudka kaga yiil,

In uu daatay moodee,

Sow tan uu dul-buuxshee,

Dibbirkiyo dillaalkii,

Daryeelkii danaha guud,

Dibusocodki ka hor yimi,

Qabiil loo dugaashaday,

Dawadii ayaan helay,

Cayayaanka dili layd,

Diiwaankii walaalaha,

Duruustuu u talin jiray,

Sow tay “dab iyo dhagax,”

Kala daaya idin tidhi,

Dusha way qallalan tahay,

Dix kastaba nasiibkeed,

Hoosta way ka dihin tahay,

Daruur iyo hillaaceed,

Danabka onkodkiisii,

Aashii hadduu da’ay,

Durdur wada aqoonyahan,

Daad wada af-tahamo ah,

Haddii la isku soo daray,

Daa’in mahaddi weeyaan,

Dix waliba nasiibkeed,

Labadeeda daamood,

Dooggii ka soo baxay,

Hadba doc u-tallaabaha,

Dalaggiisii dalaq yidhi,

Deegaanta-raacdiyo,

Daad-xoorta yeelkeed,

Dalawadeenna oloshiyo,

Nirgaha u dunuunucay,

Sida dalagga beeruhu,

Biyaha ugu dararaan,

Alleylehe ku doogsaday,

Dararteeda Maandeeq,

Nin doonaa ha xooxsado,

Dalandoolku ha xigteen,

Dunjigeed anayska leh,

Danbarkeeda kama xigo,

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Daaqa iyo xeradana,

Qawsaarka loo diray,

Dayac-tirkeeda ka adkow,

Yaa daanyo-qaad u ah?

Doobiga miskeedka ah,

Laga deyrshay haaneed,

Haddaan loo dardaar-werin,

In uu daato waw halis,

Nimankii durduuree,

Darka ceelka keenee,

Dawliskiyo wadaantii,

Biyaha ugu dawdabay,

Dadweynaha codkiisay,

Deelleey ku hadashaa,

Dooddeedumaansada,

Dimuqraaddi weeyaan,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories