HomeCiidanka Qaranka Somaliland oo Xuska Sannad-guuradooda 20aad ugu dabaal-degay Jewi Ka Geddisan...

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Xuska Sannad-guuradooda 20aad ugu dabaal-degay Jewi Ka Geddisan Munaasibadihii hore (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa Maanta ka Qayb galay Sanad Guuradii 20 ee Asaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu xusay jewi ka geddisan munaasibadihii ka horreeyey.

XUSKA (1)Munaasibad si weyn loo soo agaasimay ,ayaa lagu qabtay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, taas oo ay ka soo qayb qaleen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ahan ku simaha Madaxweynaha,Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland  ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Wasiir ku-xigeenka  Cabdi Daahir  Camuud, taliyeyaasha ciidammada kala duwan ee dalka Madaxda Xisbiyada,xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

XUSKA (9)Taliyaha Ciidanka Qaran Ismaciil  Maxamed shaqale oo xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in munaasibadani tahay Munaasibad lagu xusayo asaaska ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhidibada loo tagay 1994-kii, waxa kale oo uu ka halday heerarkii kala duwan ee ay soo mareen cidiimada qaranku, isaga oo tilmaamay in haatan marayaan meel aad u fiican oo shacabka somaliland kalsooni ku qabaan in ciidankoodu difaaco xududaha dalkooda.

XUSKA (19)Wasiir Ku-xigeenka gaashandhiga Cabdi Daahir Cammuud oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidanka qaranku ay u diyariyeen tababaro faro badan oo loo kala diray wadamada jaarka iyo kuwa Yurub.

XUSKA (21)Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo gunaanadkii munaasibadda ciidanka Qaranka ka hadlay ayaa uhu horrayn fariin u diray maamul goboleedka Puntland waxaanu sheegay in loo baahan yahay inay ilaaliyaan jaarnimada iyo daris wanaagga.

XUSKA (4)“Ciidanka Qaranka Waxaanu u dhisannay maaha inaannu cid ku cabudhino iyo inaanu cid ku duullo midna markaa walaalahayaga aanu jaarka nahay ee reer Puntland waxaanu leenahay ixtiraama jaarnimada iyo daris wannaagga,gobolada bariga Somaliland uma baahna qori iyo xabad laakiin waxay u baahan yihiin goboladaasi horumar iyo wax qabad aanu diyaar ula nahay,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

XUSKA (18)Waxaa kaloo uu hambalyo u diray dhamaan ciidanka Qaranka Somaliland oo uu u rejeeyay inay sannadkan sannadkiisana ku gaadhaan badhaadhe iyo nabad qab.

XUSKA (12)Kooxda ciidanka Qaranka ee Gaashaan ayaa munaasibadda Ciidanka Qaranka Somaliland ku soo bandhigay riwaayad aad  u soo jiidatay masuuliyiintii daawanayay isla markaana ka turjumaysay wacyiga dalku marayo iyo halka loo socdo kana digaysay, qabyaalada iyo wax qabsi la,aanta waxaanay aad ugu dheeraatay Riwaayadda ay maanta soo bandhigeen kooxda Gaashaan.

XUSKA (15)Ciidamada Milatariga ee Somaliland noocyadooda kala duwan ayaa munaasibadan ugu dabaal-degaya horumar iyadoo sanadkan ay ku xusayaan iyada oo la siiyay derajooyinkii ciidanimo 10 kun oo askari oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada, kuwaasi oo qaatay derejooyinka u dhexeeya Alifle illaa Sareeye Gaas.

XUSKA (20)XUSKA (16)XUSKA (13)

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories