HomeBeesha Caalamka Oo Cambaareysay Tacaddiyo ay Ku Kaceen Kooxaha Huwanta Laascaanood

Beesha Caalamka Oo Cambaareysay Tacaddiyo ay Ku Kaceen Kooxaha Huwanta Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- War-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen beesha Caalamka ee wada-shaqaynta la leh Somaliland maanta, ayaa lagu cambaareeyey tacaddiyo ka dhan bani’aadamnimada oo kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood u geysteen Maxaabiis ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

Maleeshiyaadka Deegaanka oo kaashanaya ciidamada Maamul-goboleedka Puntland iyo kooxo Argagixiso ah oo ka hawl-gala Laascaanood, ayaa weerar ku qaaday Ciidanka Qaranka ee Somaliland oo ku gudo-jira Geeddi ay kaga soo guurayaan fadhiisimadii ay ku lahaayeen Bariga Magaalada Laascaanood.

War-murtiyeedka Beesha Caalamka, ayaa u qornaa Sidan:- “Saaxiibbada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood iyo waliba wararka sheegay sheegay in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka Ciidanka, saadka iyo hubka la siinayo.

Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaanu ka filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta dadka Rayidka iyo kaabayaasha Bulshada.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helitaanka gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn gaadhsiinta dadka u baahan.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha taagan waa in lagu xalliyaa si nabadgelyo iyo wada-hadal ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka beesha caalamku kaga hadashay dagaalka Laascaanood.

War-murtiyeedka waxa si wada-jir ah u soo saaray Beesha Caalamka oo ka kooban Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Belgium, Canada, Djibouti, Ethiopia, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, Saudi Arabia, Netherlands, Norway, Qatar, Russia, Sudan, Sweden, Switzerland, Türkiye, Uganda.

Kooxaha Huwanta ee ku sugan Laascaanood, ayaa tacaddiyo ka dhan bani’aadamnimada kula kacay maxaabiista gacantooda gashay, iyadoo muuqaallo laga duubay ay muujiyeen Maleeshiyaadka Huwanta oo Jidh-dil u geysanaya askar Dhaawac ah iyo Maxaabiis ay gacanta ku dhigeen.

Afhayeen u hadlay kooxaha Huwanta ee Laascaanood, ayaa jir jaraa’id oo ku qabtay Laascaanood ku sheegay inay gacanta ku hayaan maxaabiis tiradoodu ka badan tahay 200, haseyeeshee ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadooda, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories