Home“Basaaskii Gaani Ee UFO $6000 Siistay, Ayaa Axmed Mire Wax Ka Sheegi...

“Basaaskii Gaani Ee UFO $6000 Siistay, Ayaa Axmed Mire Wax Ka Sheegi Kara”Cali-guray oo Eedeeyay Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo daba socda hadalka Guddoomiyaha UCID aadna u dhaliilsan, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey mareegtiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe aanu gaadhi karin Axmed Mire oo uu ku tilmaamay Mujaahid dalkan iyo dalkan qiimo abdan ku leh oo sida uu hadalka u dhigay Markii Faysal Cali Waraabe UFFO basaasayay isagu (Axmed Mire) ahaa ninkii dalka xoraynayay. Sidoo kalena Axmed Mire yahay kii xoreeyey dalkan uu maanta Faysal wax ka noqday.

 

blank

 

 

Cali Guray oo lahjad adag u isticmaalay qoraalka uu kaga jawaabay eedaha Faysal Cali Waraabe u jeediyey Axmed Mire aadna u dhaliilay Faysal Cali Waraabe sidoo kalena ku ammaanay qoraalkiisa Mujaahid Axmed Mire ayaa waxa uu qoraalka Cali Guray u dhignaa sidan: “Axmed Mire Ma Basaaskii Gaani ee UFO $6000 siistay baa wax ka sheegi kara.

 

 

Colkii SNM ee Burco 27 May 1988kii galay baabu hogaaminayay eh. Ha la yaabin laakiin maanta nin waliba waa nin lakiin shalay nin waliba nin muu ahayn. Rag la lahaa oon haye mooyee maya odhan karin baa jiray. Lakiin Faysal wuxu ragga dheeraa Isaaq lacagta laga qaado oo bixiya ayaa badnaa isagu kuwaa la siiyo ta Isaaqa laga qaado ee Isaaqa ku basaasa ayuu ahaa. Maantana Axmed Mire ayuu wax ka sheegayaa saw baqashii fardaha la daaqday ee faraska is mooday uun maaha. Waar ha na haybsan anaga nama gaadhida hadaad nin raga tahay shalay baad wax iska celin lahayd markaad GAANI basaaska u ahayda.

 

 

 

Tan uu ku faaqay uu ku kibray raggii ku dagaalamay ee uu xoreeyay inuu ka xashoodo ayay ahayd inuu afkiisa la galo may ahayn lakiin cidda dambaysa ee halkii Gaani ugu jirta waa la yaqaan. Isagu wuxuu u baahan yahay cid adeegsata uun dawlad xumina Faysal kama maaranto oo waa astaamaha lagu garto. Madxwaynayaasha wuxuu col la yahay inta aanay u gacan haadin eenay waxoogaa u laabin ee la hawlgelin. Lakiin bal idinku ka sheekeeya ka isaga oon Madaxwayneba noqon durtaba markii la yidhi Musharax baad tahay Faysal mee yidhi ee soo ciyaarsiiyay. Hadii la doorto dadkaba aniga guulwadayaal ha ii noqdaan buu odhan lahaa cidda diida toogta iyo soo xidha ayuu odhan lahaa.” Ayuu yidhi Cali Guray.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories