HomeBARASHADDII KHASAARTAY QEYBTII 3-AAD

BARASHADDII KHASAARTAY QEYBTII 3-AAD

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

-“ Waxay Intantaasi ii aragtaa qof aan damiir uu wax ku qaato lahayn,waayo timahaagga ayay ka badan tahay inta jeer ee ay igula dhaqaaqday falal meel kaga dhacaya;dad-nimaddayda,shaqsiyadda,sharaftada iyo guud ahaanba xurmayntaydda bini’aadam-nimmo,waxaana ay aamminsan tahay in aan ahay qof Indho la’ oo iyadda kusoo indho-beelay.

Hadda maalin dhawayd,ayaa anniga oo meel maraya waxa iga hor-yimid hablo dhawr ah,waxaana ay si jees-jees ah iigu yidhaahdeen inta ay I sallaameen oo ay iska dhiggeen siidi oo aannu is-garanayo “Naa waa kii maraanka ahaa ee Heblaayo sheegaysay.Talaw kanni muuqba malaha eh’ maxaa Inanta daba-dhiggay ee uu uga hadhi la’yahay? Dee iyadaaba doqon ah,marka uu kan (Ayaanle) noocan ahi meelahaas ka leeyahay Inantaas waan jecelahay oo dee sharafdeeda ayaabu meel

kaga dhacayaa oo waxaaba u eegyahay kuwii dhuxusha inoo dhiggay jiray ee baabuura saarnaa, mise talaw waaba kuwa Dooxa seexda Intay qosleen (….kkkkkkkkk….),dee malaa waaba Reer Miyi Inanta Suuqa ka bartay?.Wallee Ruxii dhiman waayoow,maxaa aragti kuu laabban? Naa haddii Heblaayo kanni ka hadhiwaayay,dee inagana malaa qaar ka darran ayaaba meelahaas inaga sheegta oo yidhaahda Hablahaas sheeko-wadaag ayaannu nahay?!

Naa horta waxii kaleba waa hadal eh’ Inanta kanni ishaaqsadday,ayaa wallee ba’day.Laakiin dee waxay ahayd inay walaaladeed iyo reerkoodaba ka ashkatayso. Kanni xattaa in lala dagaalammo ma istaahilo ee wey u yara hanjabi lahaayeen uun”.Naa dee horta talaw xaggee ayuu ku bartay,miyaannu ogayn in aan hablahaas quruxdaa leh ee Qoysaska noocaas ah ka dhashay inay xattaa kuwii Basaabooradda sitay ee dibbadaha ka yimid ee lacagta badan sitayba ay la’yihiin oo aan layskuba soo gaadhin.Naa Somaliddu waxay tidhaahdaa;Libaax nin aan aqoon,ayaa Lax ka ritee,dee bal weynu eeggi halkay isla marraan,kollay Heblaayo ayaan aqaanaayoo ugu danbeynta waddo ayay iska marinaysaaye oo dee Hebelba waakii intuu ka hadhi waayay ay casharka lama ilaabaanka ah u dhigtaye”.

Siddaan aan filayo Cumaraw,Hablahaas annigu maan garanahayn,meel aan ku arkayna ma xasuusto hadda,laakiin sidaan aaminsanahay waxay isku xaafad-yihiin Inantaas aan kuu sheegayo ee aan Jeclaaday,taas oo iyaddu kollay muuqayga meelahaas ka tustay.Waxaanan aaminsanahay in waxaas ay hortayda ka leeyihiin ay wax-ka-darrana markay wada jooggaan ama ay arkaan Telafankagga marka aan soo garaaco ay yidhaahdaan,taas oo anna sidaan horeba kuugu sheegay ay igu adagtahay in aan ficiladdaas oo kale kaga jawaabo ama aan Xidhiidhkeeddaba joojiyo oo dee ILAAHAY Hablo kale oo ka qurux iyo qaayaba wanaagsan wuu badiyee aan mid kale doonto,intaasiba xal bay ahaan lahayd is-kama dayn karo in aan haddana isku dayo in ay ila hadasho ama aan farriimo ay ku lammaan yihiin galgacal,naxariis iyo hadal debecsan aan u dirro,iyadda oo iigu soo jawaabaysa hadallo iyo farriimo intaaba ku caksi ah.

Markasta waxa aan isku ciil-kaambiyaa in aan marruun qalbigeedda hantiyi doonno ,Sallaad walba oo aan tukaddana,waxaan ILAAHAY ka baryaa inuu qalbigeedda ii soo jeediyo ilaa haddana saaxiib Cumaraw,kummaan guulaysaysan arrintaas,waxaana igu sii badanaya jacaylkeedda Ifisaddii (Cadceeddii) kasta ee soo baxda iyo waaggii gutuutabba.

Mar mar baan is-idhaahddaa mala waabad fallantahay,waayo waxaan hore u aqaanay ilaa yaraantaydii Shayga ama shaqsigga haddii aan naco oo aan go’aan ka gaadho aad bay u adkayd in aan dib ugu noqdo,xattaa haddii laysku dayo in laygu celiyo kummaan noqon jirin,laakiin hadda wax-walba siddii kale ayay isu-bedeleen oo waan sii jeclaanayaa uun waxii aan is-idhaahdo iskaga hadh oo iska daa.

Markaas,anniga ayaaba hadda iska shakisan oo waxaan is-leeyahay bal aad xarrun caafimaad tegtid oo aad dhaakhaatiirta Maskada qaabilsan aad la kullantid,bal waxay ku yidhaahdaan”.ayuu yidhi Ayaanle oo walli saaxiibkii Cumar la-wadaagaya waayaha haysta iyo umuuraha adag ee uu rabo inuu la-maareeyo.

Ayaanle,waa uu sii hadlay,waxaana uu xasuustay dhacdo kale oo iyana xanuun-badnayd,taas oo uu kasoo marray Jacaylka Inantaas,waxaana sabab u ahaa Hablo ay Inanta saaxiibbo yihiin,taas oo keentay in Ayaanle xabsigga loo taxaabbo,habeenno iyo maalmo qalafsanaana uu halkaas kusoo qaato,waxaana uu yidhi “…………….

Lasoco……….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email: Daacad461@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories