HomeBadheedhihii Wasiir Xagla-toosiye, Bogaadintii Shacabka, Buufintii Bar-kuma-taalka Cali Khaliif iyo Balleysinkii Wax-garadka...

Badheedhihii Wasiir Xagla-toosiye, Bogaadintii Shacabka, Buufintii Bar-kuma-taalka Cali Khaliif iyo Balleysinkii Wax-garadka Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Buuhoodle (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo dhaq-dhaqaaqyada colaadeed ka abaabulaya gobollada Bari ee Dalka uga digay inuu danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uga faa’idaysto dhibaatooyin hor leh oo ka dhaca deegaamada gobollada Buuhoodle iyo Sool.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Buuhoodle oo uu ka furay mashaariic Xukuumaddu ugu talo-gashay adeegyada bulshadaDr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu ka hadlay booqasho Dr Cali Khaliif ku jooga Magaalada Buuhoodle oo wasiirkuna ku sugan yahay, isaga oo sheegay in ujeeddada Siyaasigi Cali Khaliif ku joogo magaaladaasi la xidhiidho booqasho uu ugu tagay hooyadii oo deggen magaaladaas, balse aanay shacabku ka yeeli doonin inuu danihiisa gaarka ah uga faa’idaysto caadifad aan dhibaato mooyee waxtar u keeni karin shacabka deegaanka.

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakii ka ogolaan mayno Cali khaliif siyaasaddii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro,” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Dr Saleebaan Ciise waxa uu sababeeyey socdaal isaga laftigiisu ku joogo magaaladaas, waxaanu yidhi, “Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu guurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay, hadana waxan ku jiraa Kormeer aan ka bilaabay degmada Buuhoodle.”

“Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen Maxaabiistana soo deynay, anigu waxan imi magaaladaydii Aabahay joogay, Tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Xagla-toosiye waxa uu meesha ka saaray warar sheegayey inuu awood ciidan ku galay magaaladaas oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaanu yidhi, “Ciidan Somaliland oo aniga daacad ii ahi waa joogeen,laakiin kuwaas kumaan imane waxan ku imi Nin ka mid ah degaanka oo u dhashay, wax ka qabtay, shacabkiisu taageersan yihiin, jecelyihiin waana la igu soo dhaweeyey.”

“Ciidan aan watay ma jirin, Buuhoodle ciidan iyo hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta ii dhacdayna may ahayn mid aan anigu awood ku muquuniyaye, waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin,” ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Wada-hadalka Cali-Khaliif iyo Odayaasha deegaanka

Ka dib socdaalkii uu shalay wasiir xagla-toosiye ku tagay magaalada Buuhoodle, waxa isla xalaybay magaaladaas ka dhexmaray kulan Odayaasha Beelaha Buuhoodle soo Qaban qaabiyeen ay kula shirayeen Wasiirka Cafimaadka Somaliland, kaas oo ay ka qayb-galeen Odayaasha Magaalada, Masuuliyin Ka Socotay Kooxda Khaatumo Iyo Siyaasiga Dr Cali Khalif.

Shirkaas wasiirku la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Deegaanka, waxa lagaga wada-hadley Horumarinta Degaanka Buuhoodle Iyo Arrimo Ku Saabsan Siyaasada iyo Xaalada Degaankaasi, haseyeeshee si rasmi looma garanayo waxyaabaha ay ka wada-hadleen ee dhinaca siyaasadda ku saabsan.

Warku waxa uu intaas ku daray in Odayasha Magaalada Buuhoodle ay soo dhoweeyay Socdaalka Wasiirka Somaliland ku tagay gobolkaas, isla markaana ay ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin nabad iyo in ay ka qayb-qaataan ka-qayb-qaadashada horumarka ka socda qaybaha kale ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories