HomeBaarlamaanka Somalia Oo ugu Baaqay in uu iscasilo Madweyne Xasan...

Baarlamaanka Somalia Oo ugu Baaqay in uu iscasilo Madweyne Xasan Sheekh iyo 14-Qodab ee ay usoo jeediyeen Oo Mid ka mida ah yahay Dabacsanaanta uu umuujiyay Wadahadalka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Muqdisho (SLPOST) Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya

OG: Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ( Jawaari ) Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya

 images (13) Xildhibaano11

OG: Ambassador Nicolas Kay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Ujeeddo: BAAQ SOO JEEDIN IS-CASILAAD.

 

Mudane Madaxweyne, Annagoo ah Xildhibaannada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, kana ambaqaadayna waajibaadka guud ee naga saaran ilaalinta danta Qaranka, dabagalka iyo qiimaynta waajib gudashada hay’adaha Dowladda oo uu ugu horreeyo Xafiiska Madaxwaynaha,

waxaan dib u eegis ku samaynnay ballanqaadkii aad ka hor jeedisay Golaha Shacabka markii aad murashax u ahayd hoggaaminta talada dalka, si aan u hubinno waxa ka fulay lixda tiir ee aad Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigtay oo aad heshiiska kula gashay wakiillada Shacabka oo Xildhibaanada ahna kugu doorteen,

 

waxaana la filayay haddii aad ka dhabayn lahayd siyaasadda ku qotanta 6da tiir, in laga gudbi karay duruufaha adag ee dalku ku suganyahay lagana soo kabsan lahaa dib u dhacyada soo jiitamaayey tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii, ee xagga siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, dowlad wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee sida muuqata hoggaan kaagu waa ku guul daraystay in uu fuliyo koley ku tahay tiir qura! haddii aan xusno tiirarku waxay ahaayeen:

 

1.Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.

 

2.Soo noolaynta adeegyada bulshada.

 

3.Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.

 

4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

 

5.Midnimada iyo wadajirka ummadda.

 

6.Abuuridda xidhiidh caalami ah;

 

Lixdaan tiir fulintooda muhiim bay u ahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed, oo kugu aaminay ballan qaadkaas.

 

Haddaba markii aan aragnay in hoggaankaagu ku guuldaraystay ;

 

1. Samaynta qorshe cad oo meel mar noqon kara laguna xasilin karo dalka oo maamullo loogu dhiso ummadda Soomaaliyeed si loo hirgeliyo federaalaynta Dalka, kuna salaysan caddaalad iyo maamul wanaag

 

. 2. Soo noolaynta adeegyada bulshada oo ay ugu horreeyaan tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo korontada.

 

3. Sugidda nabadgelyada, dib u dhiska ciidamo qaran oo si hufan lagu soo xulay, oo yeelan kara karti iyo awood uu ku soo celiyo kala dambayntii iyo sugidda amniga qaranka, taasoo la’aanteeda madaxbanaanida,

midnimada iyo karaamada dalka mugdi gelin karta, iyadoo waliba ay weheliso in colaad beeleedyo hor leh ka soo cusboonaadeen gobollada dalka qaarkood sida: Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo weliba meelo kale taasoo loo aanaynayo hoggaan xumida iyo karti darrada hoggaankaaga iyo dadkii aad u xilsaartay howlaha fulinta, oo sida lagu soo xulayna su’aalo badan ka jiraan.

 

4. In hoggaankaagu ka gaabiyay in uu curiyo fikir siyaasadeed oo lagula xaajoon karo mucaaradka hubaysan (Alshabaab), iyadoo waayo aragnimada lagu bartay in colaadaha noocaan ah aan lagu dhammayn karin xal militari oo kaliya, balse lagama maarmaan ay tahay in lagu garab wado wada xaajood iyo wada hadal siyaasadeed.

 

5. In hoggaankaagu ku guuldaraystay habsami u hagidda siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa, oo si aan daah furnayn Shirkado shisheeye gacanta loogu geliyey kaabayaasha halbowlaha dhaqalaha Dalka sida Dekedda, Airporka iyo kuwa kale, taasoo horseedi karta in la hakiyo kaalmadii loogu yaboohay dalka heshiiskii Compact ee shirkii ka dhacay BRUSSELS.

 

6. In Hoggaankaagu ka gaabiyay ilaalinta midnimada qaranka oo wada hadalkii lala galay Somaliland sida uu u socday u muuqday mid fududeynaya in dalku kala go’o.

 

7. In aqoonsigii diblomaasiyadeed ee ka dhashay doorashadii looga gudbay kumeelgaarka oo howsha badan la geliyay, xilligii KMG lagu jiray hadda la moodo in uu sii lumaayo ilaa heer diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya si bareer ah loo xiro oo la dafiro aqoonsigiisa diblomaasi, taasoo ay sii dheertahay in Mudane Madaxwayne Adigoo ku sugan Nairobi, Shacabka Soomaaliyeed la raafayay, oo codsigaaga waxba aysan kasoo qaadin madaxda Kenya, ficil iyo qawlna aadan ku muujin arrimaha lagu bahdalayo karaamada iyo sharafta Soomaalinnimo.

 

8. In qaabka loo agaasimay maaraynta degaanada lagala wareegay Alshabaab ay u keentay bulshadii ku nooleed deegaannadaas culays nabadgelyo iyo ciriiri nololeed, iyadoo magaalooyinkaas ay go’doomiyeen Alshabaab , taasoo fursad u siisay kooxda Alshabaab inay dib isu soo abaabulaan, Shacbiyadna ay helaan waana arrin hoggaan xumi ku dhacday oo laga taxadiri karay .

 

9. Hoggaankaagu wuxuu ku guul darraystay in dibu-habayn lagu sameeyo garsoorka oo weliba la baalmaray talooyinkii wax kuoolka ahaa ee kasoo baxay shirweynihii qaran ee arrimaha garsoorka ku saabsanaa oo Muqdisho lagu qabatay bishii April 2013kii. Mudane Madaxweyne, waxaad ka baaqsatay fulinta qod.109,faqraddiisa 2aad ee Dasuurka JFS ee tilmaamaya asaasidda Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo loo fasirtay inaad raadinayso qiil aad uga gabbato in lagula xisaabtamo.

 

10. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay samaynta Guddiyada Madaxa bannaan, sida ku cad qod.111 ee Dastuurka JFS, gaar ahaanna dhismaha Guddiga la Dagaallanka Musuq-Maasuqa ee ku tilmaaman qod.111C, taasoo keentay in si bareer ah loo boobo hantida qaranka.

 

11. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay inuu dib-u-heshiisiin dhab ah dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka ah iyo Maamullada Gobollada iyo inuu abuuro Guddiga Runta iyo Dibu-heshiisiinta, sida ku cad qod.111i ee Dastuurka JFS.

 

12. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay Amniga Qaranka oo sida cad uu kuu farayo qod.126aad ee Dastuurka JFS, ayadoo si joogto ah loo beegsado xarumaha halbowlaha u ah Dawladda sida Maxkamadda Sare, Madaxtooyada, Xarunta Qaramada Midoobay iyo meelo kale, si joogto ahna loo laayo xildhibaannada Baarlamaanka FS, Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, haba yaraateena aysan jirin dad loo soo qabtay dambiyadaas ama kuwo xil gudasho la’aan lagu eryey.

 

13. Hoggaankaagu wuxuu raalli ku noqday in qaadashada jinsiyadda Soomaalinnimo oo ah arrin xasaasi ah loo maro qaab sharci darro ah, ayadoo la baal maray dhabbaha uu tilmaamayo qod.8aad ee Dastuurka JFS.

 

14. In Hoggaankaagu aanu u muuqanin mid gaarsiin kara dalka doorasho xor ah Marka lagaaro August 2016ka, taasoo Madaxwaynoow aan filayno in aad nala qirsantahay !

 

HADABA, SABABAHA KOR KU XUSAN DARTOOD , WAXAAN MUDANE MADAXWEYNE KUUGU BAAQAYNAA OO KUUGU NASIIXAYNAYNAA INAAD ISKA CASISHO XILKA MADAXWEYNENIMO MAADAAMA AAD KARTI U YEELAN WAYDAY INAAD SI SAX AH U HOGGAAMISO DALKA.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories