HomeBaafin: Aqoonyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Baafin: Aqoonyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Waxa aan halkan ka baafinayaa adeerkay, kollay da’da ayuu waalid iigu yahaye, aqoonyahan Aqoonyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo aan rabay in aan su’aal ka weydiiyo aragti aanu ku kala tagganahay oo ku saabsan waa kuma Duqa maansayahannada Soomaaliyeed?. Taas oo aan hore uga qoray maqaal aan ku baahiyay saxaafadda, oo aanan weli wax jawaab ka helin aqoonyahanka, walaw aan maqaalka u diray idaacadda VOA ee uu suugaanyahanku ka baahiyo barnaamijka dhaqanka.

blank
Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa aan bahda saxaafadda ka codsanayaa in ay farriintan iyo weydiintan aqoon-korodhsiga ah iga iga gaadhsiiyaan Abwaan Idaajaa, iyada oo jawaabtana la iigu soo hagaajin karo ciwaannadayda hoos ku qoran. Cidda haysa email ama taleefan aan toos ugala xidhiidho Aqoonyahan Idaajaa waan soo dhawaynayaa. Hadda waxa aan ka mid ahay dadka ogsoon kartidiisa, aqoonna ka bartay Idaajaa, Sayid-Maxamed Cabdulle Xasanna waxa uu ka mid yahay hal-abuurrada aan u hayo maamuuska ugu badan, laakiin qodobkan Duqa Maansahannada Soomaaliyeed waan liqi waayay siduu  dhigay Idaajaa, weliba waan ka xumahay in uu weydiintayda iga jaahil bixin waayo. Waa kan maqaalkii hore ee aan waayo-aragga xogta ku weydiinayay. Fadlan mar kale cidda haysa meel aan toos ugala xidhiidho Idaajaa ha ii soo sheegaan. Cidda su’aashan iga saaciddana waxa aan ugu mahad-naqayaa si gaar ah.

Xog-doon: Waa Kuma Duqa Maansahannada Soomaaliyeed?

Muddo ay ka soo wareegeen dhawr toddobaad, ayaa aan dhegaystay barnaamijka dhaqanka ee ka baxa idaacadda codka Maraykanka ee VOA, barnaamijkaas waxa soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali “Idaajaa”, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer afka, dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

Barnaamijkaas waxa uu Idaajaa ku sharraxayay qaar ka mid ah erayada ay Soomaalidu wakhtigan u adeegsato hab qalad marka loo eego sida uu eraygu asal ahaan ku yahay afka Soomaaliga. Intii uu Idaajaa ku jiray sharraxa erayadaas, ayaa waxa uu tusaaleyaal u soo qaatay maansooyin ay curiyeen qaar ka mid ah maansahannada Soomaaliyeed.

Maansayahannada uu aqooyahanku maansooyinka soo qaatay waxa ka mid ah Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin waxa uu magaca Sayid-Maxamed ka horreysiiyay kelmad aad u culus, isaga oo Sayid-Maxamed ku tilmaamay “Duqii Maansayahannada Soomaaliyeed”, taas oo aan u fasirtay in uu uga jeedo “Hormoodkii Maansayahannada Soomaaliyeed”.

Maqalka eraygaasi, waxa uu jawaab u noqday su’aal aan in badan is-weydiinayay, oo ahayd “Maansayahankee ayaa Hormood u ah, ama u noqon kara maansayahannada Soomaalida?”. Su’aashaas waxa laga yaabaa in uu qofba si uga jawaabo, oo ruuxba maansayahan derejadaas siiyo, sababta uu doono ha ku xushee.
Haddaba waxa aan aqoonyahan Idaajaa, iyo aqoonyahannada kale ee Soomaaliyeed, ee da’ ahaan iyo aqoon ahaanba iiga waayo-aragsan mawduucan ka codsan lahaa in ay ii iftiimiyaan dhawrkan su’aalood:
1. Ma jirtaa dhacdo iyo taariikh Sayid-Maxamed loogu aqoonsaday Duqa Maansahannada Soomaalidu, sida go’aan dawli ah, urur, idaacad, gobol IWM? Iyo weliba sabab Sayidka loo siiyay derejadaas mugga leh? Haddii ay jirto waxa aan jecelahay in taariikhdaas la ii soo tebiyo

2. Duqnimada Sayidka ee uu Aqoonayahan Idaajaa xusay, ma mid ku kooban xilligii Sayidku noolaabaa, mise waa mid uu duq u yahay dhammaan hal-abuurrada ku maansooda Afka Soomaaliga, kuwo hore, kuwo nool iyo kuwo dhalan doonaba?

3. Haddii aanay dhacdo weyn oo la xusaa jirin, ma aqoonyahan Idaajaa ayaa Sayidka u caleemo-saaray Duqa Maansahannada Soomaaliyeed?

Kollay inta aan ogahay, hore uma maqal maansayahan Soomaali ah oo si rasmi ah loogu aqoonsaday Duqa Maansahannada Soomaalida, laakiin mar aan akhriyay buug Carabi ah oo isugu jiray suugaan iyo mawduucyo kale, ayaa waxa aan ku arkay Maansayahan Carab ah, una dhashay dalka Masar, magaciisuna yahay Axmed Shawqi, oo uu buuggaas aan akhriyay ku sifeeyay “Amiiru Shucaraa”, kelmaddaas, marka la turjumo waxa ay ugu dhawaan noqonaysaa “Abwaankii Abwaannada, Duqii Maansahannada, Hormoodkii Gabyaaga” IWM.

Ugu dambayn, waxa aan aqoonyahannada, suugaanyahannada iyo taariikhyahannada mawduucan xogtiisa haya ka codsanayaa in jawaab waafi ah la iga soo siiyo mawduucan. Ujeeddada maqaalkani ma aha in aan qof naqdiyo, ee waa xog-doon iyo aqoon korodhsi.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com
002522 4428604
Hargeisa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories