HomeGARASHADA DAACADNIMADA, CAQLIGOO SHAQEEYA IYO FIKIRKA TOLMOON WAXAY HORSEEDAAN HORUMAR BULSHEED

GARASHADA DAACADNIMADA, CAQLIGOO SHAQEEYA IYO FIKIRKA TOLMOON WAXAY HORSEEDAAN HORUMAR BULSHEED

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Alle (SWT) waxa uu ku abuuray arladan korkeeda Bina’aadam uu kaga soocay noolaha (Makhluuqaadka) kale caqli iyo fikirka, waxaannu u fududeeyey khayraad kala duwan si u maankiisa ula kaashado khayraadkana uga faa’iidaysto, kalana soo baxo dhulka guudkiisa.

blank

Caqaligan iyo fikirkan uu alle ku manaysatay waxa uu ku ogaaday kartidiisa , hibbooyinka, qiimaha iyo karamada uu alle siiyey Bina’aadamka, halkaas ayaa uu ka bilaabay in uu u dagaallamo oo uu ilaaliyo karamda iyo sharftaa uu Alle siiyey. Waxa uu xaqiiqsaday in ay sharafta iyo karmadu tahay jirtankiisa iyo qimihiisa, waayitaankeeduna waxa meesha ka baxaya dadnimada uu duur-joogta kaga soocan yahay .

Karamadu ma qaybsanto, waxa uu Bani’aadamku raadinayay ilaa jiritaankiisa amma abuuritaankiisii, sababteeda iyo garashadeeda ayaa ummaddo badan ku horumareen, halka kuwo kalena ku dumeen garwaaqsasho la’aanteeda. Kutubta taariikhdu ku qoran tahay amma dadka wax ka qoray geesiyaal badan oo u dagaalamay karaamadooda iyo sharaftooda, nafahahoodana u huray si ay dulmiga iyo tacadiga iskaga dul qadaan waxay ku tusaysa dadnimo iyo karaamadooda soo noqoshadeeda ay u dagaalameen.

Bulshooyinka waxa xuquuqdooda, xorriyadooda, is-jacaylkooda, is-dhexgalkooda iyo iskaashigooda baabiiya shakhsiyo danno gaar ah leh oo taladu gacanta u gasho, hoggaankana u qabta, kadibna loolan u gala amma isku qabsada talada, kadibna mid kasta wuxuu dedaal u gelaa inuu ka faa’iidaysto dadka aan hamigoodu ku dhisnayn karaamo iyo shakhsiyad adag oo quluubtoodu daciifka tahay. Waxa ay u adeegsadaan hurinta is-maandhaafyada ay dantoodu ku jirto si ay u adkaato in la dhiso bulsho caqliga ka nool, xoogana ka shaqaysa.

Raadadka ay arrintan ka tagto waxa ay noqotaa in bulsho isku dhaqan ah, dan wadaaga si dhib yar look ala daadiyo, laga dhex abuuro colaad iyo kala go’. Darriiqa kaliya ee lagaga baxayaana waa caqliga iyo fikirka tolmoon ama togan oo sidiisa loo adeegsado amma ka shaqeeya sidii loogu noolaan lahaa nabad, caddaalad, kala dambayn iyo dejinta qawaaniin/shuruuc kala hagta bulshada oo la isku ixtiraamo ka dambiila ah lagu ciqaabo, ka madluubka ah amma dhibbanaha ahna loogu hiiliyo.

Adeegsiga Caqliga, fikirka togan, daacadnimada iyo shakhsyad karaamo leh oo bulshada loogu shaqeeyo waxa ay horseeda ummad horumar ku dhisan, mabda’ leh, dammaanad qaadaysa qiimaha iyo karaamadeeda, yaraynaysana, xad-gudubyada iyo khilafaadka (conflicts).

 

Qofba wuxuu ku dagan

Halkuu daacad kaga hadho!

Eray-suugaaneedkan waxa uu Hadraawi kaga turjumayaa qiimha daacadnimadu u leedahay nolosha Aadamaha.

W/Q: Ibtisam Mustafe Garaw

Email: Aragsan0780@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories