Home"Annaga Iyo Shacbiga Somaliland Dad Hadda La Isbarayo Ma Nihin, Dhalasho Iyo...

“Annaga Iyo Shacbiga Somaliland Dad Hadda La Isbarayo Ma Nihin, Dhalasho Iyo Dhul Ayaanu Wadaagnaa” Prof: Cali Khaliif Galaydh

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa  (SL.Post)  Hoggaamiyaha Khaatumo Prof:  Cali Khaliif Galaydh, ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal u bilaabmay Somaliland, isla markaana si fiican wejiga koowaad ugu bilaabmay, rejaynayaanna inuu guul ugu dhammaado wadahadalkaasi.

 

blank

 

 

Prof: Cali Khaliif Galaydh, oo Buuhoodle ka hadlay  waxa uu sheegay in wadahadalku dan iyo maslaxad ka dhaxaysa labada dhinac sidii ay isula afgaran lahaayeen la xidhiidho, waxaanu sheegay in intii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaaminayey Somaliland dhibaatada dadka Khaatumo ku abtirsada la gaadhsiiyey inaan weligood illaa wakhtigii Daraawiishta la gaadhsiinnin. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in dan badan iyo maslaxad badani ka dhaxayso Somaliland iyo Dadka Reer Khaatumo oo dabcan reer Somaliland ah, waxaanu sheegay in qodobbada ay ka wadahadlayaan labada dhinac kala duwan yihiin, oo qoloba Shuruudo wadato, laakiin inta illaa hadda la isla-gaadhay ay si fiican wax ugu socdaan. “Hadal bilow ah ayaa meeshaas [shirka Caynabo] kasoo baxay, waa hadal aad iyo aad u fiican oo aanu kaga wada hadlayno danaha naga dhexeeya Somaliland iyo inta badan ee aanu annagu gaar u leennahay.”

 

 

 

Sidaasi ayuu yidhi Cali Khaliif Galleydh, waxaanu intaa ku daray  “War illaa dorraad aan ku celcelinayay oo Shiinuhu ay ku maahmaahaan baa waxa ay tahay ‘ safar saddex kun oo sanno qaataa hal tallaabo ayuu ku bilaabmaa , markaa hadda bilowgaasi si fiican buu noogu bilaabmay, wada hadallo kale oo Khaatumo iyo Somaliland ay geli doonaanna waanu u ballansannahay, dan gaar ah oo ay Khaatumo ka wadataana ma jirto. (mida kale) annaga iyo shacbaga Somaliland iyo xukuumadda Somaliland dad hadda la is barayo ma nihin, dad ka ab-ka-ab wada degennaa baanu nahay oo dhul iyo dhalasho wadaaga ayaanu nahay oo si naloo kala saaro oo badaniba aanay jirin baanu nahay. Hadda taas micnaheedu maaha indhaha inaanu ka qarsanayno xukuumaddan Somaliland ee Saaxiibkay Axmed-Siilaanyo uu maanta  madaxda ka yahay inta uu na gaadhsiiyey illaa waqtigii Deraawiishta inaanay jirin cid na gaadhsiisay.” Ayuu yidhi Mr. Galleydh.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories