HomeAjandaha Shir Beel Ka Mid Ah Beelaha Gobolka Sanaag Uga Furmay Magaalada...

Ajandaha Shir Beel Ka Mid Ah Beelaha Gobolka Sanaag Uga Furmay Magaalada Kal-sheekh Iyo Xusuusta Taariikhda Murugada Magaaladaa

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Kal-sheekh (SLpost)- Shir loogu magacdaray Hilaw iyo Hanuun oo Beesha Bah-Muxumed oo ka mid ah Beelaha Deegaanka Goblka Sanaag  hore u shaacisay qabashadiisa  ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Kal-sheekh Khamiistii todobaadkan.

Shirkaa oo ay ka qaybgaleen Aqoonyahanka, waxgaradka iyo Odayaasha ku dhowaad boqol ergey oo ka kala socday deegaanka Balaadhan ee Beesha Bah Muxumed ee Basan-buur (Biciide), ka degto gobolka Sanaag, ayaa loo qaybiyay maanta ajandaha shirka iyo qodobada lagaga hadlayo. Kadib markii gudiyo iyo shir doceedyo gooni gooni u kulmay ka hor shirka la saaray shir-gudoonka hagaya shirka mudada uu socdo.

Ajandaha shirkaa loogu magac daray Hilaw iyo Hanuun ayaa lagu soo koobay in aanay ujeedadiisu ahayn arrimo siyaasadeed uu ay la xidhiidho danaha Beesha iyo arrimaha dhexdeeda ah.

Waxaana qodobada ajandaha Shirka Hilaw Iyo Hanuun  ee Kal-sheekh ka socda laga tilmaamay in qodobada lagaga hadlayo ay ka mid yihiin,  Ku dhaqanka Sharceedada islaamka,  Nabadgelyada iyo ilaalinta Deegaanka iyo sidii looga hortegi lahaa xaalufinta deegaanka iyo nabaad guurka Horumarinta khayraadka dabiiciga ah sida Beeyada,  Xabagta iyo faleenka iyo ka faa’idaysiga khayraadka Beeraha Kaluumaysiga IWM.

Midaynta Beesha iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahayd Beelaha kale ee ay gobolka wada degaan Horumarinta deeganka ee dhinacyada adeegyada Bulshada sida Caafimadka,  Waxbarashada IWM.

Dhinaca kale Magaalada shirkaa lagu qabtay  ee Kal-sheekh ayaa ka mid ah  magaalooyinka aataarta ah ee ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana waxay taariikh iyo xusuus ku leeyihiin Magaaladaa iyo dadka deegaankaasi halgankii lagu xoreeyay Somaliland iyo dagaaladii lala galay Taliskii Milateriga ahaa ee Siyaad Bare xiligii sideetanaadkii.

Waxay dad badani ku xusuustaan Kal-sheekh oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn  Xasuuqii loo geystay dadka deegaankaa ee ka dhacay tuulada Kal-shiikh Oktoobar 1988, iyadoo Taliskii Maxamed Siyaad Bare si waxashnimo ah ugu xasuuqay  44 qof oo isugu jira dhalinyaro, waayeel iyo caruur, kuwaas oo laga buuxiyay Gaadhi Nooca loo yaqaan Iska rogooyinka, isla markaana inta lagu dalacay rasaas lagu furay, kadibna meel keliya lagu wada aasay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories