HomeKhilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada Oo Sii Xoogaystay Iyo Aamusnaanta Madaxweynaha

Khilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada Oo Sii Xoogaystay Iyo Aamusnaanta Madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa(SLPOST)-Khilaafyada u dhexeeya waaxyaha xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay isa soo tarayaan, waxaana banaanka u soo baxaya is-mariwaaga ka dhexeeya masuuliyiinta xafiisyada isaga hoosaysa.

Picture5

Khilaafyadan ayaa inta badan u dhexeeya wasiirada, wasiir xigeenada iyo agaasimayaasha guud. Tusaale ahaan bil ka hor waxa si kor xaadis ah lagu xaliyay khilaaf u dhexeeyay wasiirka kalluumaysiga iyo agaasimihiisa guud oo si ba’an iskugu maandhaafay hawlaha maamulka xafiiska, waxaanu murankoodu gaadhay in wasiirku agaasimaha guud ka joojiyo shaqada, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Toddobaadkana, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo cilmi baadhista Md. Aaden Axmed Warsame ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradaas. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay shaqo ka joojinta agaasimaha guud, waxase la malayn karaa inuu la xidhiidho dhinaca maamulka iyo awoodda.

Labadan agaasime ee shaqada laga joojiyay waxa ka horeeyay laba agaasime guud oo iyagana shaqada laga joojiyay, waxa kale oo iyaguna jira masuuliyiin kale oo uu is qabqabsi noocan ahi ka dhexeeyo balse aanu murankoodu banaanka u soo bixin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa March 2010, wakhtigii uu mucaaradka ahaa la xasuustii sidii uu madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ugu cambaareeyay khilaaf maamul oo wakhtigaas dhex maray wasiirkii caafimaadka Cabdi Haybe iyo agaasimihiisii guud Anwar Maxamed, isagoo Axmed Siilaanyo, khilaafkaas ku tilmaamay mid curyaaminaya dawladda oo muujinaya sida ay xukuumadda Daahir Rayaale u kala socoto. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa khilaafkaas uu Axmed Siilaanyo wakhtigaas ku dhalilay wuxuu kaga jawaabay isku shaandhayn uu ku sameeyay xubno ka mid ah golihiisii wasiirada, gaar ahaan kuwa uu muranku dhex maray. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa bal sida uu u xaliyo khilaafaadka xukuumadiisa ka dhex jira oo u muuqda inay soo noq-noqonayaan.

Xigasho-Wargeyska Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories