Thursday, February 5, 2026

Maraykanka Oo Taageero Dublomaasiyeed u Muujiyey Aqoonsiga Somaliland ee Israel

Dowladda Maraykanku waxa ay Laba-wajiileyn ku Eedeeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Must Read

Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo go’aanka dowladda Israel ku aqoonsatay dowladnimada JSL, ayaa caawa lagaga hadlay Golaha ammaanka ee Qaramada, iyadoo dalalka iyo ururrada xubnaha ka ahi kaga dhiibteen aragtidooda ku aaddan go’aanka dowladda Israel.

Dowladda Israel ayaa go’aankeeda si adag uga difaacday Golaha, iyagoo ku nuux-nuuxsaday xaqa ay Somaliland u leedahay in lagu abaalmariyo dowladnimada, kala dambeynta iyo horumarka ay ku tallaabsatay 35-kii sanno ee u dambeeyey.

Dowladda Maraykanka ayaa Israel ku taageertay go’aanka ay ku aqoonsatay Somaliland, inkasta oo ay ka gaabsatay inay Aqoonsanayaan Madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Dowladda Maraykanku waxa ay sidoo kale taageero dublomaasiyeed u muujisay Qadiyadda Somaliland, waxaanay si cad u taageertay xaqa ay dowladda Israel u leedahay inay xidhiidh dublomaasiyeed la yeelato waddan kasta oo ay danaheeda siyaasadeed ka dhex-aragto.

Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Danjire Tammy Bruce Oo Marayka ku metalaysay Kulanka Golaha Ammaanka, ayaa Golaha Ammaanka ku eedaysay laba wajiileyn iyo hab-dhaqanno lagu marin-habaabinayo hawlihiisa shaqo.

“Israel waxa ay xaq u leedahay inay samaysato xidhiidh dublomaasiyeed sida waddan kasta oo madax-bannaani xaq u leeyahay,” Sidaas ayey tidhi Danjire Tammy Bruce, waxaanay intaas raacisay, “Horaantii sannadkan, dhowr waddan oo ay ku jiraan qaar xubno ka ah Golahan, ayaa iskood u go’aansaday inay aqoonsadaan dowladnimada Falastiin. Habayaraatee, ma jirin kulan deg-deg ah oo Golaha laga Codsaday si looga fal-celiyo go’aankaas.

“Laba wejiilaynta joogtada ah iyo marin-habaabinta noocahi, waxa ay ka leexinaysaa ujeeddada loo sameeyey ee ah ilaalinta Nabadda iyo ammaanka Caalamka.” Ayey tidhi Danjire Tammy.

Ambassador Tammy oo ka hadlaysa Mowqifka dowladda Maraykanka ee ku aaddan qadiyaada Somaliland, waxa ay tidhi, “Markay noqoto Arrinta Somaliland, ma jirto wax war ah oo aanu ka soo saarayno aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland, mana jiro isbeddel ku yimi siyaasaddii Maraykanka”.

 

- Advertisement -spot_img
- Advertisement -
Latest News

Somaliland’s Participation in the WGS2026; A Strategic Diplomatic Step to global presence

The Participation of the President of the Republic of Somaliland in the World Governments Summit is a Strategic Diplomatic...
- Advertisement -

More Articles Like This