Thursday, February 5, 2026

KDQ Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Taariikhda Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka

Must Read

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ JSL) ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku caddeeyeen waqtiga la filayo in la qabto Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, kuwaas oo loo asteeyay 31-ka May 2026.

Komishanku wuxuu sheegay in go’aankan uu ku salaysan yahay waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, iyo shuruucda dalka u degsan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in KDQ JSL ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

KDQ JSL ayaa sidoo kale tilmaamay inay jireen caqabado farsamo iyo kuwo sharci oo dib u dhigay hirgelinta jadwaladii hore ee doorashooyinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, diyaarinta agabka doorashada, iyo arrimo la xidhiidha nabadgelyada.

Komishanku wuxuu caddeeyay in haatan la dardar-gelinayo dhammaan hawlaha hadhsan, si loo hubiyo in doorashooyinku u qabsoomaan waqtiga loo asteeyay, isla markaana ay noqdaan kuwo buuxiya shuruudaha caalamiga ah ee doorashooyinka dimuqraadiyadeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale KDQ JSL ugu baaqay xisbiyada siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda, sharciga, iyo wada-shaqaynta lagama maarmaanka u ah guusha doorashooyinka.

Ugu dambayn, Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo ay laf-dhabar u tahay dimuqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

War Saxaafadeed
War Saxaafadeed
War Saxaafadeed2
War Saxaafadeed2
- Advertisement -spot_img
- Advertisement -
Latest News

Somaliland’s Participation in the WGS2026; A Strategic Diplomatic Step to global presence

The Participation of the President of the Republic of Somaliland in the World Governments Summit is a Strategic Diplomatic...
- Advertisement -

More Articles Like This