HORDHAC:
Iyada oo ay Hargeysi taariikh intan ka badan leedahay, hadana waxa aan u holladay in aan idiinla wadaago taariikhdii hannaanka maamulka casriga ah ee magaalada soo maray intii u dhexaysay 1956 kii illaa 1969kii. Iyadoo qormadan aan ka soo man guriyayay qormo aanmae hore idinal wadagay intii akhriday qormadan waxana waan ku oo daray waxna waan ka reebay aan badanayn oo xogo aan helay oo aan ku kalsoonahay darted. Waxaynu na qormadan ku baran doonnaa golayaashii deeggaan iyo maayiraddii doorashada ku yimid ee Hargeysa soo maray waayaddaas.
Sida aynu wada ogsoonnahay, taariikhdu waa taxane tabinaya tagtadda, Ogaalka dhabta ah ee laga helo tagtadu na waxa uu ku siiyaa abbaar-qaadasho dhab ah oo aad ku salayn karto taaganta iyo dabcan odoros-wanaagga timaaddada.
Ujeedada ugu weyn ee aan qormadan ka leeyahay waa in aan idiin bayaamiyo idiinna soo gaadhsiiyo in wax laga barto Taarikhda ku saabsan mawducan doorashada faraqa u dhexeeya sidii dadkii hore ay ahaan jireen iyo maanta marxalada aynu maraynaa sida ay tahay. Dadkii ogaa xogta maqaalkani xambaarsan yahay waa u xasuus, intii aan ogaynna waa u barasho hor leh. Sida oo kale waxa aan soo dhawaynayaa ciddii macluumaad dheeri ah oo misana xaqaaqi’q ku dhisan ka haysa arrintani in ay ila soo wadaagto.
Dhab ahaan keligay ma ihi qofka qudha ee wax ka og, balse waxa jira dad badan oo iiga aqoon badan iiga na xog-ogaalsan arrintan, se waan isku xilqaamay daba galkeeda iyo raad-raaceeda. Haddaba, haddii aynu u soo noqonno mawduceena ama qorraalkeenna aynu ku lafa gurayno kuna barannayo maamulkii iyo maayirradii soo maray magaalladan Hargaysa 1956 -1969, iyada oo muddadii kacaanka oo ku sinnayd 1969kii illaa 1991kii, iyo dabcan intii ka danbaysay ee 1991kii illaa hadda (2025) na aynu intaana qormo kale ka dhigi doonno oo aan hadda xog ururinteeda gacanta ku hayo.
Sidda aynu kawada warqabno somaliland waxa ay ahayd dhul maxmiyaddeedkii boqortooyadda ingiriiska afka qalaadna lagu odhan jiray (British Somaliland Protectorate) ee mamuuli jirtay Somaliland xarun madaxeedkeedduna uu ahaa magalladan Caasimadda ah ee Hargaysa.
1956-kii oo ahayd markii u horreysay ee gole odayaal haldoorkii magaalada ah uu ingiriisku u xulay in ay magaalada maamulaan jaan-gooyaanna horumarinteeda, kaddib markii ay soo dhawaatay in uu Ingirisku inoo madax bannaaneeyo taladdii dalka inana siiyo  xoriyada waxa u go’ansaday inuu u diyariyo hanankii maamul in uu ku wareejiyo dadweynaha oo u gacantooda ku soo celiyo, si taasi u hirgasho waxa uu bulshada dhexdeeda ka abuuray dadkii hawshaa qaban lahaa ee hagi lahaa, kagana teggi lahaa, si ay isugu maamullaan Xeerka iyo Xayndaabka dawladnimo sida Gole Deeggaan oo Hargaysa iyo magalooyinkii kale ee waaweeynaa ba u yeellan lahaayeen “Majlisul Tashriic” ama “Local Authority” dadkeenuna ula baxeen “lug atoor”, isaga oo ingiriisku fikradan ka soo min-guuriyey Cadan oo uu ku xukumi jiray barnaamijkan oo kalena kana so hirgaliyey Gole deeggaan oo leh maamul iyo kala danbaynba.
Waxa uu soo xulay dadkii deeggaanka  shaqsiyaadkii ugu mudnaa ama ba qoorwayntii magaalada Hargaysa markaa dhinac kasta ugu hal doorsanaa sidda; Deegaannimada, Aaminka, Samo-tallisnimada, daacadnimada, horumarka, danaynta danta guud, Diinta iyo waliba inay yihiin dad shaqaysta oo aan baahnayn oo sharaf leh si ayna xoolaha ummada ugu talax-tegin amaba ugu tagri-falin sida imika dhacda.
Imika deeggaannimada cid waliba isaga sharaxdo si ay shaqo uga hesho may ahayn ay hormood ka noq dan, dadka wada dagani aqoon ayay isu lahayeen, waxaanay ahaayeen dad ka fiican dadkan iminka jooga, haddii aan taariikhda been laga sheegayn, dadka reer hargaysi waxa ay ahaayeen dad xaruuriya oo is yaqan oo inta badan wada ehel ah, isna dhalay xidiid iyo xigal ah oo is ixtiraama.
Waxa tusaale inoogu filan tilmaamahan iyo toosnaanta ay lahaayeen ee halkan hoose aad ku baran doontaan iyo qaar kale oo kaba sii baddan oo aanan garanahayn ama aan imika hilmaansanahay.
GOLIHII 1AAD:
1956kii ayaa la sameeyey golihii u horreeyey oo ka koobnaa odayaashii waaweynaa ee magaalada, inkasta oo aanan hayn tiraddooda rasmiga ah, balse qaarkood waan maqlay magacyaddooda.
Fadhigooddii 1aad waxa ay ku doorteen in uu duqa magaalada noqdo Cumar Ducaale Cawaale (Cumar faras).
MAAYIRKII 1AAD:
Cumar Ducaale Cawaale “Cumar-faras” (1956 – 1958) haybtiisa ( Cidagale Abokor Muuse Muuse dhinbiil)
SIFIHIISII: – Cumar-faras waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyey ee Ruqsad ganacsi qaata, meheraddiisu na waxa ay ahayd halkan imika ay Kaah Business Centre ka dhisan tahay ee badhtamaha magaalada.
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa:
- Bilaabidii midaynta iyo walaalaynta dadka deeggaanka ee xagga maamulka oo inagu cusbayd.
- Samaynta ama unkidda xeerkii 1aad ee ay ku shaqeeyeen goluhu.
Waxyaabaha ku xusnaa xeerkaa waxa ka mid ahaa;
– in aanay goluhu wax mushaharo ah ku qaadan shaqada/hawsha ay deeggaankooda u hayaan.
– In maayirnimadu ay 2dii sanno ba meerto noqoto oo mar la doorto.
– In goluhu iska dhex doorto duqa/maayirka.
– In dhulka ay dawladu leedahay, haddii qof muwadin ah dhul la siiyo na muddo 2 sanno ah uu ku  dhisto, haddii uu dhisi kari waayana in uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyo.
Cumar-faras AHNte intii uu joogay wax hanti ah ama dhul ah oo uu kala tagay ama uu ku tagri-falay may jirin.
MAAYIRKII 2AAD:
Aadan Cumar Furre Caamir “Aadan-xaniid” (1958 – 1960) haybtiisa ( Sacad Muuse Cabdale Sacad reer muumin)
SIFIHIISII: – Waxa uu ahaa nin mutacallin ah, deeqsi ah, kana soo jeeday qoys maamuus iyo milgo dhex leh bulshada, laguna majeerto ilbaxnimo, aqoon, karti iyo dadnimo.  Mar la siiyay hal baloodh oo ah halka Ex. Qaahira Restaurant ee reer Cali Shabbac ay leeyhiin kaa soo markii Aadan muddadii loogu talagalay in uu ku dhistaa ay ka dhammaatay, sida xeerku dhigayay oo ahayd muddo 2 sanno ah uu gacanta dowladda dib ugu soo celiyay, sidaana Cali Shabbac lagu siiyay ama ku iibsaday, kuna dhistay ilaa haddana ay ku leeyihiin, in kaste oo guryaha ku xiga qarkood uu laha Madbacadihi ugu horreysay na uu dalka isagu keenay in kastoo aanan hubiin ka horeeyay isaga iyo C.laahi Oomar Cawale .
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa:
- Waxa uu sameeyay waddada weyn ee dhakhtarka weyn ee Hargeysa dhanka waqooyi ka marta kuna idlaata gurigii Carwada ee Tiyaatarka u dhawaa.
- Waxa uu abuuray barnaamij si joogto ah cunto loogu karinayo dadka masaakiinta iyo dadka xuskoodu dhiman yahay, waxaana loogu samayn jiray goob bannaan oo kolkii danbe laga dhisay hoygii fannaantii Waaberi oo ku taallay xaafadda Gol-janno.
- Waxa kale oo uu wax ka qabta hannaanka maamul ee magaalada.
Markii la soo gaadhay 1960kii ee ingiriisku xorriyadda inna siiyey waxa la galay doorasho Maayirnimo oo ka duwan tii hore taas oo dadwaynuhu ay soo dooranayaan Duqa/Maayirka sidaa u I sheegay, Sidaa awgeed waxa Maayirkii 1aad ee doorasho cod dadweyne ah Hargeysa loogu doortay Ismaaciil Coboli. in kastoo daka qar I shegeen inuu magacabis ku yimii in kastoo markii hore odayshii dadku soo xuleen.
MAAYIRKII 3AAD:
Ismaaciil Coboli (1960 – 1962) haybtiisa ( Cidagale Reer Liiban Cise reer Af dhuub)
SIFIHIISII: – Waxa uu ahaa nin mutacallin ah oo Caddan wax ku soo bartay.
-Sida oo kale waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan wax hanti ah kalamuu tegin, jago yar na ha ahaato e, illaa hadda reerkiisu waxa ay deggenyihiin xaruntii naafada.
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa:
- Waxa uu wax weyn ka qabtay hannaanka maamulka dawladda hoose isaga oo dhidibbada u taagay.
- Waxa uu sameeyay waddada ka baxda Ex. Madbacadii hore ee Hargaysa ilaa maxkamada oo markii hore ahayd waddo aana rasmi ahayn balse la maro oo wado xagafa , waxaanu dhigay daamur ilaa maxkamada, waana waddada loogu magac-daray imika ee “Coboli Road”.
- Waxa uu joojiyey dhoofka xoolaha dheddig “daabaxa” iyo beerka xoolaha oo waaggaas carabta loo iib geyn jiray. Waxa uu xilka maayirnimada ka tagay 26 juun 1962 isaga oo u wareegay Hay’adda “Save the Children” waxaanu abuuray madaxna ka noqday xaruntii daryeelka caruurta baahiyaha gaarka ah qaba sida; agoomaha iyo naafadaba taas oo dad badan oo caan ahi ay ka soo baxeen.
MAAYIRKII 4AAD:
Cismaan Faarax Kaahin (1962 – 1963) haybtiisa ( Cidagale bahdaylo reer looge )
Markii uu shaqada ka tagay Maayir Ismaaciil Coboli, waxa loo baahday cid si ku meel-gaadh ah u haysa xilka, waxaana xilka sii hayay Muddo sannad iyo dheeraad ah Cismaan Faarax Kaahin oo wakhtigaa Maamule ku-Xigeen ka ahaa Radio Hargeysa.
SIFIHIISII: – Cismaan waxa uu ahaa nin mutacallim ah.
– Waxa uu aad u yaqaannay maamulka waxaanu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC da iyo Radiyo hargaysa oo marka u ka ahaa maamulka sare, Waxa uu ka soo jeeday qoys ilbax ah, oo reer Hargeysa, waxaanu ku dhashay xaafadda Baarliin ee Hargeysa.
– Dadkii yaqaannay waxa ay ku majeertaan in uu ahaa nin gob ahaa, deeqsi ahaa, daacad ahaa, dadnimo iyo shaqo wanaag lahaa.
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa:
- Waxa uu soo kordhiyey is-waafajinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha iyo Dawladda Hoose.
- Waxa kale oo uu diyaariyey sidii ay xilka ugala wareeggi lahaayeen Maayir iyo Gole deeggaan oo ku yimaadda hannaanka doorashada xisbiyada badan ( Multi-party system ).
- Sida oo kale waxa uu wax weyn ka qabtay habkii maamulka ee magaalada.
Intaas kaddib waxa dhacday in la galay Doorashadii Xisbiyada ee xubnaha golaha deeggaanka kuwaas oo ka koobna afar xisbi, kana soo baxeen 20 xubnood sida ku cad faahfaahinta golahan.
GOLIHII 1AAD:
Golihii 1aad ee deeggaanka Hargeysa ee ku yimid nidaamka xisbiyada waxa ay doorashoodu dhacday 23/11/1963 dii waxaana lagu dhawaaqay natiijada xubnihii soo baxay 29/11/1963.
Waxa ay fadhigooddii 1aad isu yimaaddeen 01/01/1964 kii. Waxaanay maalintaas gaadheen laba go’aan oo kala ahaa:
- Waxa ay maayir u doorteen Maxamuud Xaaji Axmed, haybtiisa ( Cidagale Gashan buur reer Muuse) maayir ku-xigeenna waxa ay u doorteen Axmed Xasan Ibraahim. haybtisa ( Sacad Muuse Nuux ismaciil Reer Axmed )
- Waxa kaloo maalinta la isla qatay calamada ama magalada hargaysa oo noqotay Naso hablood waxaan fikrada laha oo soo jeediyay oo laha curinteeda Axmed Ibraahn Xasan, kalfadhigii ku xigayna taysarada hargysa aragtidasana waxa laha isla Axmed Ibraahim Xasan.
XUBNIHII GOLAHA DEEGGAANKA:
(Magacyada, Xisbiyadda & Beelahooda):
- Maxmuud Xaaji Axmed Dubad /SNC /Cidagale/Gashanbur/reer Muuse.
- Axmed Xasan Ibraahim /SNC /Sacad Muse/Nuux Ismaciil/reer Axmed.
- Ismaaciil Cabdi Xasan-Rakuub /SNC /Sacad Muuse/Cabdalle Sacad/indha-yare.
- Cumar Xaaji Yuusuf /SNC /Sacad Muuse/Nuux Ismaacil/reer Shirdoon.
- Axmed Xandulle Galaydh /SNC /Arab/ Cabdalle Abokor/Guulane.
- Cali Naaleeye Rooble /SNC /Arab /Haashim/Axmed Cabdalle.
- Aw Maxamed Cabdi (aw Sancani) /SNC /Arab/Muuse Abokor/Afyare.
- Axmed Ibraahim Guunje /SNC/H.Yonis/ Isaxaaq/Cabdalle/reer Ugaadh.
- Macallin Muuse Muxumed /SNC/Ciidagale/Abokor Muuse/ Aadan Abokor/reer Cawl.
- Baashe Nuur Diiriye ( Bashe N. yeey) /SNC /H.Yonis/Isaxaaq/Cabdalle/reer Yuusuf.
- Abokor Xuseen /SNC /H. Yoonis/Muuse Cabdalle/Faarax Maxamed.
- Nuur Aadan Shirwac (Nuur-yare) /SNC/Cidagale/Yoonis/Maxamed yoonis/reer Yeey.
- Aw Muuse Cumar Buulale /SYL /Cidagale/Cabdi Ciise/Cabdi-Bari/reer Wacays.
- Axmed Xaashi Dhuule Yuusuf /SYL /Cidagale/Cabdi Ciise/reer Guuleed.
- X. Yuusuf Ibraahim Cawaale /SYL /Arab/Haashim/Aadan-waraabe.
- Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-cawar) /SYL /H. Yoonis/Isaxaaq/Cabdalle/reer Ugaadh.
- Caasha Oomaar Warsame /Calan Cas /Cidagale/Cabdi Ciise/reer Aadan.
- Cumar Xasan Guuleed /Calan Cas /Sacad Muuse/Nuux Ismaaciil/reer Shirdoon.
- Axmed Yasiin Gabaxadii /Calan cas /H. Yoonis/Gunbuur.fitaaro
- Aw Cumar Cali Yaasiin /Xisbiga Lixaad //Muuse dheriye.
Waxa xusid gaar ah mudan; in dhammaan xubnahaas aynu soo sheegnay oo dhan ahaayeen rag mudan oo aan dhammaantood kala dhicin. Inkaste oo haddii aynu is nidhaahdo halkan mid mid ugu xusa ay dheeraanayso, haddana waxa xus muddan in ay iyagu mishiinka iyo maskaxda keenta afkaarta ugu tolmoon uguna fiican ee golaha iyo maamulku ku shaqeeyaan. May ahayn niman kursi doon ah sida imika dhacda.
Golahaa hadda waxa ka nool Aw Muuse Cumar Bulaale, magayacyada sare ku xusanna isaga ayaan ka soo ururiyey.
Waxyaabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mid ah, in dakhliga guud ee soo gali jiray ee ay ku shaqayn jireen uu keliya ahaa lacagta daabaqada Sayladda Hargaysa ka soo gasha iyo ta xaqal xashiishka ee ka soo gali jirtay meheraddihii xilligaas jiray oo aan badnayn iyo kab yar oo dawladda dhexe ka soo gaadhi jiray. Intaas ayaa ahayd lacagta keliya ee ay wax ku qaban jireen.
MAAYIRKII 5AAD:
Maxamuud Xaaji Axmed Dubad (1964 – 1966) hayabtiisa (cidagle reer Ganshanbuur reer Muuse)
Waxa uu ahaa maayirkii 1aad ee ku yimid Doorashadda Habka xisbiyada badan, isla markaana waa maayirkii 1aad ee Gole deeggaan oo la soo doortay iska sii dhex doortaan.
SIFIHIISII: – Waxa uu ahaa nin mutacalin ah oo Cadan wax ku soo bartay.
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa:
- Waxa uu waxka qabtay degsiimaynta, nashqadaynta, fidinta iyo habaynta xaafadaha iyo waddooyinka magaalada, iyo iskuullada oo uu dhismyaaal ku kordhiyey.
- Waxa uu magaalada ku sameeyey biyo. Markii uu yimid magaaladdu waxa ay lahayd laba taangi oo waaweyn oo keliya, waxaanu ku daray laba kale, sida oo kale waxa uu sameeyey qara ka mida dhaamamka waaweyn ee magaaladdu lahaan jirtay welina raadkoodu sii jiro.
- Waxa uu dhisay waddooyin ay ka mid yihiin:
– Waddada Khayriyada illaa halka u yahay Saldhigga New-Hargaysa (Rukta Kutubta), waxaanu ka dhigay laba haad.
– Waddada Shacab oo uu ka soo bilaabay Wasaaradda Maaliyadda illaa Saldhiga Dhexe oo uu ku sameeyey dib u habayn.
– Waddada ka baxda halka Dugsiga Maxamuud Axmed Cali illaa Gooladda Sayladda.
Qaybta boodhinka iskula Salaaxalay iyo schoole kale oo hoos yimada magaada hargysa balse ka baxsana in kasatoo aay iskaga hor yimadeen badhasbkii xilaga oo ku yidhii salaxalay xadkiinay ka baxsan tahay lakin waxa aay ku doodeen anaga u garanay in aanu dadakan mustaqabalka leh ku gacansiino.
- Waxa uu sameeyey Ciidanka illaalada Cashuuraha oo uu markii u horreysay madax ka noqday Xasan Daarood sanadkii 1964 kii
- Waxa uu dhisay Deyrka weyn ee Beerta Xoriyadda.
- Waxa uu dhisay sariibadda weyn ee Suuqa Waaheen oo goobteedu markii hore ahaan jirtay Sayladda Xoolaha oo markaa loo raray Dooxa “dixda” dhexdeeda, inkasto oo markii danbe la keenay halka Tiyaatarku yahay hadda. Waaggii danbe ee Kacaanka na waxa sariibadda Waaheen dib u habeyn ku sameeyey xiligii Bile Rafle Guuleed.
- Waxa kale oo uu dhisay waddadii hore ee No.1 ka ahayd ee ka soo bilaabanta fooqa Mahdi Buubaa illaa guryaha Xaaji Maxamuud Cabdi Muuse “Kabtanka” iyo Xaaji Cali Guhaad soona hor marta sariibadda Waaheen soona gaadha fooqa iyo guryaha Xaaji Cali Bootaan iyo Xaaji Ibraahim Nuur illaa ka Guun Jaamac Boodhle koonihiisa.
Markii uu shaqada ka tegay waxa uu Maamule ka noqday shirkado ganacsi oo madax bannaan.
Waxa xusid mudan, intii uu maayirka ahaa hal baloodh kalama tegin, halka imika uu gurigiisu yahay ama deggenaa na wuu iibsaday waxaanu markii u shaqada ka tagay 6,000 oo shilin.
AHNte intii uu noolaa saddex jeer ayaan gurigiisa ku booqday ku na soo waraystay, mar waxa ila socday Siciid Maxamuud Gahayr.
Maayar ku-xigeen iyo gudoomiyaha Golaha deegaanka na waxa u ahaa Axmed Xasan Ibraahim oo ahaa nin aad u wanagsan aqoonyahan ilbaxa keeni jiray na fikrado wax ku ool ahaa, isagu muu jeclayn in uu maayir noqdo.
MAAYIRKII 6AAD:
Axmed Xaashi Dhuule Yuusuf Sul. Guuleed (1966 -1968) haybtiisa ( Cidagale Cabdi Cise Reer Guuleed )
SIFIHIISII: – Waxa uu ahaa nin mutacallin ah oo waayo-aragnimo badan u lahaa horumarinta iyo qaabaynta magaalooyinka iyo farshaxanka dhismayaasha, waxaanu ahaa Engineer wax ku soo bartay dalka Faransiiska, ka na soo shaqeeyey magaladda Jabuuti.
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa in uu ahaa maayirkii 2aad ee ugu wax-qabadka badnaa, gaar ahaan dhanka jidadka magaalada dhex mara.
- Waxa uu dhisay waddada Road No.1 ee suuqa dhex marta, isaga oo ka soo bilaabay Baanka dhexe hortiisa illaa waddada Khayriyada hor marta una kacda illaa National Cinema.
- Waxa uu sameeyey illaa afar waddo oo Suuqa dhex mara kuna soo xidhma waddada weyn ee badhtanka kana mid yihiin; labada waddo ee waqooyi iyo koonfur kaga soo xidhma ishaarada “Traffic liight” ka badhtamaha suuqa (ta Unionka aadda iyo ta hadhwanaag aadda). Wadadada xeero jada soo marta ilaa suqa dheex ee civil cantrkii iyo ilma Bootan timad ee labada dhinac ka marta,
- Waxa uu sameeyey oo hagaajiyey waddada xera-jaadda, Geerash Aw Cali illaa halka iskoolka Nuuradiin oo ahayd laago aad u waaweyn oo biyo mareenno ah.
- Waxa kale oo uu dhisay Beerta Xoriyadda qaybta ka soo jeedda bari oo ay maal-gelisay Dawladda China, iyada oo Carwo weyn halkaa ku soo bandhigtay 1967 kii. Waxaanu ka sameeyey garoon Baaskitka lagu ciyaari jiray, halkaas oo markii danbe na ruwaayadaha lagu dhigi jiray, waxaana kudheel ku haysan jiray Cabdillaahi-xaruuri.
- Waxa uu nidaamiyey degsiimooyin iyo xaafadda ay ka mid tahay Ex. Fakinka.
- Waxa uu habeeyey tacriifadda cashuuraha.
- Waxa uu dhismayaal iyo fasallo cusub ku kordhiyey Dugsiga Sheekh Bashiir.
7.Waxa u dib u dhisay oo hagajiyay Suuqa Waheen oo gubtay 1968
AHNte Maayir Axmed Xaashi Dhuule waxa uu ahaa nin xoolaha umadda aad u ilaaliya waxaana caddayn u ah labadan dhacdo:
- Waxa dhacday in nin reer Hargaysa ah oo ganacsade caan ahi uu ku yidhi isii bannaanka Dugsigsa Sheikh Bashiir (waa halka hadda la dhistay ee dhanka waqooyi ka soo eegaysa sekedda ina Xasan Rakuub), wuu u diiday ninkii, waanu qanci waayey, waxaanu u soo diray ergo badan oo xidid iyo xigaal ba ay yihiin, wuu ka diiday waxaanu ku yidhi Dawladda Sare ayaa xukunta e ka soo dhamayso, kaddib intii uu Muqdisho ku maqnaa ayuu sii dhisay deyrkii ku meersanaa iskuulka, markii uu yimid na waxa uu arkay meeshii oo dhisan, waxaanu ku yidhi “adeer dawladdu meel ay dhisatay ma dumiso e raali ahaw waa la dhisay dhulkiiye!”.
- Sida oo kale, waxa dhacday nin walaalkii ahaa oo ka yimid miyi, ayaa ku yidhi “walaal dhul isii” waxa uu ugu jawaabay ” walaal waxa aan hayaa wax ummada oo dhan ay wada leedahaye kuma siin karo e samir qaado”. Isaga oo walaalkii siin karayey haddana waxa uu ka xishooday in la yidhaa walaalkii ayuu xaqii umaddu wada lahayd wax ka siiyey. 1968 markii Oriental hotel dib loo baladhiyay lacag ayay daymiyeen waxanu u ka dayay canshurti dawadalaa hoose madama horumarki magalada wax wanagsan ku soo kordhiayay oo dhiri galain bay hayd waliban
MAAYIRKII 7AAD:
Axmed Ibraahim Guunje ( 1968-1969 ) haybtiisa ( Habar yonis Isaxaq Cabdale )
SIFIHIISII: Waxa u ahaa nin mutacalin ah, gancsade weyn na ahaa
WAX-QABADKIISII:
Waxa lagu xasuustaa oo uu culayska saaray mudaddii uu joogay:
- Hagaajinta maamulka, qorshaynta dhulka iyo tacriifadda cashuuraha.
- Waxa kale oo uu sameeyey waddada Tiyaatarka illaa halka uu gurigiisu ahaa oo ku xigta kaalinta ina Gallan.
Inta kadib waqtigoodi ayaa dhamaday waxaan ala galay doorashdii
MAAYIRKII 8AAD:
23 March 1969 kii ayay dorashadi dawaladaha hoose iyo barlamanakuba ka wada dhaceen somliland waxaana ka qayb qatay 17 xisbiyadi magacyaoodi xubnihi soo baxay imay surta galin in aan heelo.
Axmed Jimcaale Guuleed April – oktobar 1969 haybtiisa ( Sacad Muuse Nuux ismaciil reer Axmed)
Axmed Jimacale isna golihisii waxa u ku yimii habka xisbiyad sidaa golhii ka horeeyay golahas kumaan gulaysan in aan wada helo magacydoodii maka laga reebo 1. Axmed Jimcaale Guuleed oo mayar noqday 2. Cadbi Cilmi Shide ( Cabdi tumaal) oo maya ku xigeen noqday. ( haybtiisa Cidagale reer gobdoon reer Diriye ) 3..Muxumed aw Axmed haybtiisa ( sacad muuse adaraxman sacad ) iyo Bashee Nuur Diriye oo ahaa niinka qudha ee ku soo noqoday golha.haybtiisa (Habar yonis isaxaq Cabdale )
“Waxa uu maayir ahaa muddo shan bilood ah”.
SIFIHIISII: – Waxa uu ahaa nin mutacallin ah oo shaqsiyad wanaagsan leh.
– Waxa uu ahaa nin maamulka ku fiican horena uga soo shaqeeyey shaqooyin maamul Aramco sarkal sare oo ka soo shaqeeyay PRO. Waxa kale oo uu ahaa nin naxariis badan oo deeqsi ah, dadkana u gar-gaari jiray oo ay isaguid ahayeen waliba intii u qurbaha tagay gar han Canada somali badan ayuu ku cawiyay.
WAX-QABADKIISII:
- waxa lagu xasuustaa wax-qabadkiisii muddadaa yar ee kooban, kobcinta hannaanka maamulka.
Waxa xusid mudan intii uu joogay wax hanti ah kalamuu tegin.
Wax badan oo uu qaban lahaa waxa ay ugu suurto geliwayday muddada uu joogay oo yarayd awgeed, sababta oo ah, markii inqilaabku dhacay 21 kii Oktoobar 1969 kii kacaanku waxa uu meesha ka saaray maamulkii rayidka ahaa oo ciidamo ayaa la wareegay.
Intaas ka dib waxa dhalatay dawladdii kacaanka taas iyana soo magacaabi jirtay Dhiisay “District Officer” kuwaas oo intooda badani ay ka iman jireen ciidamaddii tadada dalka la wareegay iyo dabcan xisbigii hanti wadaagga ee dalka ka talinayey intii u dhexaysay (1969 – 1988kii) iyagana waynu ka warmi inshaala qofka ugu weeyn ee waxa uguweeyn magalada ka qabtyna waqtiga waxa u ahaa Bile Rafle Guuleed oo dhaxal weeyn ka tagy allee ha dhawre.
Intii ka danbeysay ee Somaliland dib ula soo noqotay xorriyaddeedii oo ka soo bilaabmatay 1991 kii iyo illaa 2002 dii waxa soo magacaabi jiray madaxweynayaashii dalka muddadaas soo maray, balse golihii 1aad waxa dib loo doortay 15/12/2002 dii, markaad oo magaalada caasimadda ah ee Hargeysi yeelatay gole 25 xubnood ka kooban kuwaas oo uu guddoomiyah golaha deeggaanka iyo Maayirka ba u doortay Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir (Guray) isaga oo xilkaa hayey muddo 10 sanno ah ( 2002 – 2012).
Haddii alle idmo 35 kan sanno ee Somaliland jirtay maayiradda iyo golayaasha deeggaanka ee Hargeysa soo maray, waxqabadkoodddii iyo maamulkoodda na waxa aan ku soo gudbin doonnaa qormo kale oo xiiso leh.
GUN IYO GUNAANAD:
Qormadan waxa aan uga gollahaa in ay dib u kaakiciso garashadeenna iyo caqligeenna tolmoon, inoona iftiimiso ahmiyadda ay leedahay masuuliyadda golaha deeggeenka ee magaalada Hargeysi, una baahan tahay aqoon, karti, daacadnimo iyo is-xilqaan gooni ah. Sida oo kale waxa ay qormadani daaha ka faysaysaa ogaalka taariikh-nololeedkii qof ahaanneed ee dadkii magaalada wax soo gashaday, una soo kifaaxay in ay umaddooda u shaqeeyaan.
Ugu danbayn waxa aan naxariis waasac ah alle u waydiinayaa dadkaa aynu qoraalka ku soo xusnay oo badankoodu geeriyooddeen.
QORE: IBRAAHIM CALIÂ Cuucuule

