Thursday, February 5, 2026

“Soomaaliya Waa Waddan Fashilmay” – Madaxweynaha Maraykanka

Must Read

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar Afka ku qaaday Soomaaliya oo uu ku tilmaamay waddan fashilmay.

Madaxweyne Trump oo maanta khudbad dheer ka jeediyey shir-sannadeedka Dhaqaalaha Dunida (World Economic Forum), waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay waddamo ay kku jirto Soomaaliya oo ku sifeeyey waddan aan gebi ahaanba jirin oo ku filmay hirgelinta nidaamka dowladnimada.

Waxa uu khudbadiisa ku soo qaatay musuq-maasuq baahsan oo ka dhacay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo dad Soomaali ah inay qayb ka yihiin loo haysto, waxaanu si gaar ah u weeraray Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congresska.

Donal Trump ayaa toddobaadkan shir jaraa’id ku sheegay in Somalia tahay waddan fashilmay oo ku guul-darraystay hirgelinta adeegyada muhiimka u ah dowladnimada.

Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro oo xilligan ku sugan dalka Switzerland, ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid ah in ka badan 60 hoggaamiye oo shirka lagu marti-qaaday.

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo madaxweyne Trump iyo Ra’iisal-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo shirka ka qayb-galay.

Somalilandpost.news

- Advertisement -spot_img
- Advertisement -
Latest News

Somaliland’s Participation in the WGS2026; A Strategic Diplomatic Step to global presence

The Participation of the President of the Republic of Somaliland in the World Governments Summit is a Strategic Diplomatic...
- Advertisement -

More Articles Like This