“Dhaaxuunbaa laga jeeday, Isna been ku hor joogee, ha Xorowdo Jabuuti”
Waa tuduc ka mid ah MAANSO ka hadlaysa xaaladda siyaasadeed iyo nololeed ee dalka iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Maansadan oo uu Curiyey Wariyaha Ruug-caddaaga ah ahna Abwaannada Dhalinyarada ah ee Suugaantoodu saamaynta ku leedahay bulshada Soomaalida, waxa uu maansadiisu ku soo bandhigay baahida ay shacabka Jabuuti xilligan u qabaan Isbeddel hoggaamineed oo meesha ka saara Siyaasiga da’da ah ee muddada 30-ka sanno ku dhow Jabuuti u af-duuban.
Abwaanku wuxuu maansadiisa ku bilaabay:
“Dhaaxuu jiifna u diiday
Dadka joogna u diidee
Ha xorowdo Jabuuti.
Dhaaxuu jeedalinaayay
Marna laydh ka jaraayay
Marna juuqda u diidee
Ha xorowdo Jabuuti.
Iyagoon jabin xeerka
Dhaaxuu jeel ku guraayay
Badh jariimad ku laayey
Ku jiqsiina ku haystee
Ha xorowdo Jabuuti.
Jiingad bayla dhexdeeda
Maato baahi la jiifta
Waa jaxiima adduune
Ninka juuca ku laayay
Isna tuumbo jaqaaye
Jihaadkiisu bannaane
Ha xorowdo Jabuuti.
Dhaaxuunbaa laga jeeday
Isna been ku hor joogee
Hadda wuu jabayaaye
Ha xorowdo Jabuuti.
Shacabkaa jalka waayay
Ee jidiin ku cadaaday
Ee waxooda ka jeelay
Ee nin jeebka ku qaatay
Janno way u danbeyne
Ha xorowdo Jabuuti.
Jariimoiyin qarsooniyo
Jeero geesigu sheego
Wax kastoo jiro haatan
Cid u joojini maayoo
Wuu ku jiifi rabaaye
Goe jaaw dhaha maantoo
Ha xorowdo Jabuuti.
Kaligii jire maaha
Dalku jees qudha maaha
Dadku jaariyad maahee
Ha xorowdo Jabuuti.”


