Washington (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congress-ka Maraykanka u Qaabilsan Qaaradda Afrika, Chris Smith, ayaa war-murtiyeed uu Salaasadii soo saaray kaga hadlay go’aanka dowladda Israel ku aqoonsatay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Chris Smith oo ka mid ah shir-guddoonka Guddiga Xildhibaannada Congresska ee taageera Israel, waxa uu bogaadiyey go’aanka dowladda Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay waddan madax-bannaan, waxaanu ku boorriyey waddamo dowladda Maraykanku ugu horeyso inay si buuxda u aqoonsadaan madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxaan soo dhawaynayaa aqoonsiga rasmiga ah ee Israa’iil Jamhuuriyadda Somaliland ugu aqoonsatay inay tahay dal madax-bannaan oo shaqaynaya, waxaanan rajaynayaa in kuwa kale oo uu Maraykanku ka mid yahay sidaasoo kale sameeyaan,” sidaas ayuu yidhi xildhbaan Chris, waxaanu intaas raaciyey,
“Somaliland waa dal dimuquraadi ah oo dowladnimada shaqaynaysa leh, sida ku cad qaabkii sida nabadda ah xilka loogula kala wareego doorashooyinka dhif iyo naadirka ah ee tusaalaha wanaagsan u ah Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika inteeda badan.
Xildhibaan Chris wuxuu hoosta ka xariiqay sababaha dowladda Maraykanka ku kallifaya inuu si deg-deg ah u aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay bogcadda ay ku taallo iyo xidhiidhka ay la leedahay Taiwan oo meesha ka saaray saamaynta Shiinuhu ku leeyahay Gobolka.
“Bogcadda istaraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo iyo dekedda Berbera, ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay Danaha ammaanka qaranka Maraykanka. Xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan wuxuu meesha ka saaray saamaynta xun ee Shiinuhu ku lahaa gobolka, sida uu hoosta ka xarriiqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi oo booqasho ku iman doona dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Chris.
Xildhibaan Chris wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda aqoonsigu ugu fadhiyo shacabka Somaliland. “Marka waxaas oo dhan laga yimaaddo, aqoonsiga rasmiga ahi waxa uu shacabka Somaliland u muujinayaa inaanay ku qasaarin tacabkii ay soo galiyeen dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka xorta ah, qarankooduna uu helayo aqoonsigii uu xaqa u lahaa,” sidaas ayuu Rep. Chris Smith ku yidhi war-murtiyeedka uu soo saaray oo lagu baahiyey Website-ka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka.

