Xildhibaan Ted Cruz oo mid ah mudaneyaasha Congresska Maraykanka ee u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda Somalikand, ayaa sheegay in qorshaha aqoonsiga Somaliland ee Maraykanku uu qayb ka yahay hirgelinta danaha siyaasadeed ee dalkiisu ka leeyahay gobolka Geeska Africa.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanu aqoonsigu ahayn sadaqo ama deeq lagu caawinayo cid kale balse uu ka tarjumayo danaha siyaasadeed ee dowladda Maraykanka.
“Aqoonsiga Somaliland maaha sadaqo, waa istaraatajiyad la jaan qaadaysaa danaha amniga ee Ameerika iyo fekerka ah in Maraykanku danihiisa eegaynayo “America First”, xildhibaan Cruz waxa uu sidaas ku sheegay qoraal koobaan oo uu kaga fal-celiyey maqaal ciwaan loo dhigay, “Somaliland Waa qaran jira ee halagu tixgeliyo”, kaas oo lagu daabacay majaladda THE HILL.
Xildhibaan Ted Cruz waxa kale oo uu sheegay, “Tani waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka Saaxiib aanu wax badan wadaagno oo ku yaala gobol muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka iyo la dagaalanka xagjirka”, sidaas ayuu yidhi Senator Ted Cruz.

