Thursday, February 5, 2026

Madaxweyne Cirro Oo Switzerland kula sugan Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’iisal-wasaaraha Israel

Must Read
Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Md Abdirahman Maxamed Cabdilaahi, ayaa shacabka la wadaagay farriin kooban oo uu ku baajiyey bartiisa Facebook.
 
Madaxweynuhu waxa uu farriintiisa ku yidhi, “Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan u soo dirayaa salaan & bogaadin, anniga oo u rejaynaya khayr, nabad iyo barwaaqo.”
 
Madaxweyne Cirro oo dalka dibaddiisa ku maqan, ma jiro war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo xaqiijinaya halka uu ku sugan yahay, balse sida ka muuqata sawirka, madaxweynaha ayaa saaran diyaarad uu ka muuqdo calanka dalka Switzerland oo la filayo inuu ku qabsoomo shirweyne arrimaha dhaqaalhaa lagaga hadlayo oo madaxda caalamku ka qayb-galayo.
 
Madaxda Caalamka ee la filayo inay shirkan ka qayb-galaan waxa ka mid ah madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ra’iisal-wasaaraha Israel oo xilligan ku ssugan Davos oo shirku ka socdo maanta.
- Advertisement -spot_img
- Advertisement -
Latest News

Somaliland’s Participation in the WGS2026; A Strategic Diplomatic Step to global presence

The Participation of the President of the Republic of Somaliland in the World Governments Summit is a Strategic Diplomatic...
- Advertisement -

More Articles Like This