Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la taageero kacdoonka ka dhanka ah Taliska Ismaaciil Cumar Geelle ee socda Dalka Jabuuti iyo Iska-caabbinta ay beelaha Gadabuursi kaga horagayaan dhul-ballaadhsiga deegaannadooda lagu soo qaaday.
Eng Faysal Cali Waraabe oo qoraal kooban soo saaray caawa, waxa uu shacabka ugu baaqay inay masuuliyad dheeraad ah iska saaraan ilaalinta nabadgelyada isla markaana ciidamada ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo waxyeellada nabadgelyada dalka looga shakiyo.
“Shacbiga Somaliland waxaan ku boorinayaa oo aan cod dheer ugu baaqayaa inay nabad-galyadooda si wada-jir ah u ilaashadaan oo xilkeeda aanay ku halleyn oo kaliya ciidamada ammaanka. Qof walba waa inuu is-diyaariyo oo iskii isu xil-qaamo, ciddii la garan waayo la soo sheego,” sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas raaciyey, “Waxa kale oo aan Shacabka Somaliland iyo dowladdaba ugu baaqayaa in gacan la siiyo Beesha Gadabuursi iyo qoomiyadda Canfarta ee ka hortagaya gar-darrada Ismail Cumar Geelle Wado oo ay qorshaha Xamar ay ka soo wadaan Jabuuti iyo waddamo kale, kaas oo ah dhismaha wax loogu yeedhay Awdal State si aanay innoogu noqonin dhismihii 8-da bilood socday ee lagu sameeyey waxa loogu yeedhay Woqooyi Bari.”
Eng Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ku baaqay, “Si taas looga hortago, dowladda iyo shacabkaba waxaan ka codsanayaa in gacan la siiyo Kacdoonka Canfarta iyo iska-caabiska xaq-u-dirirka ah ee beesha Gadabuursi oo ah dhul-boobka ay wadaan Xasan Sheekh iyo Ismail Cumar Geelle.
Illaahay ha innaga ilaaliyo sharkooda. Waxaan leeyahay Hala is-dugsado, nabaddeena iyo Dhiiggeenii ayaa lagu soo duulay.” Ayuu Qoraalka ku yidhi Guddoomiyihii hore ee Xisbiga UCID.

