Ujeeddo: Xal u helida Tabashada Gaamurtay ee Beelaha Gadabuursi.
Halyeyga ina Hogaamiya Rabi ha ilaaliyo hana sharfo Madaxweynaha JSL, Birmadle, Xurmadle, Mujaahid, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed CabdiLaahi Cigaal, wuxuu in badan ku celceliyay In la xoojiyo Midnimada Bulshada sharafta iyo sabirka badan ee Reer Somaliland Guddo iyo Dibedba dhexdeeda.
Mudane, Madaxweyne waa waajib in la qaato taladaas.
Mudane Madaxweyne, waxa aan kuu soo jeedinayaa in si run ah oo dhab ah wax looga qabato tabashada is-biirsatay ee ah soo-jireenka ee ku saabsan Garawshiyo, dhayid si mug leh wax kasta oo dhacay Beesha ah walaalaheen ee ku suntan Aqoonta, Diinta, Sharafta, adkaysi iyo Dulqaadka badan ee Gadabuursi oo u ah wadanka udub-dhaxaad adigana kuu taageeray si weyn kuuna garab istaagay.
Mudane, Madaxweyne, Waxaan kuu soo jeedinaya Adigu Tag Boorama markuu soo noqdo Madaxweyne ku xigeenku xurmadle Mudane, Maxamed Aw Cali ama is raaca oo labadiina la doortay dhex-fadhiista bulshada oo wax kasta oo jira mid-mid wax uga qabo.
Mudane Madaxweyne, Waxaad u soo magacowday Gobolka Awdal iyo Salal 2 Mudane oo ah Rag muddakar ah kuna suntan Aqoon, Diin iyo hoggaamin, laakiinse waxay u baahan yihiin Garab=gal xoogan oo ah mid siyaasadeed, mid ah in la mideeyo bulshada, mid horumarineed oo ah dhinac kasta.
Mudane Madaxweyne, Aniga oo la ii kaa tiriyo dhinac kasta jecel guushaada, cadaaladda, waxaan ahay xogogaal, Waxaa Arrimaha lala sugaa ninkii wax ka qaban kara ee wax weyn ka qabo dhibka soo jireenka ah ee Beesha Gadabuursi hadday tahay Saami dad ah mudanka bulshada, shaqo-gelin dhalinyarada, Shaqo Abuur bulshada, Mashaariic Horumarineed, Fulinta Ballan-qaadyadii Waddani.
Waxaan si cod dheer ugu soo jeedinaya bulshada Iyo waxgaradka in aan hadalkaygaa la dhayalsan oo cid kasta oo gacan ka geysan karta wax laga qabto dhibka huursan iyo tabashada gaaburtay ee Beesha sharafta badan ee Gadabuursi si loo helo waddan midaysan oo wada socda, xiligani waa xiligii ugu haboona ee la xalin lahaa arrimahan is barkan. Anigoo soo bandhigi doona Daraasad dhammeystiran oo uu ka sameeyay Machadku.
Machadka Geeska Africa (Somaliland Horn Democracy Institute).
Diyaariye:
Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirkii Hore ee W/Maaliyadda ee JSL.

