Xukuumadda Somaliland ayaa ka dareen-celisay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay lagaga dooday go’aanka Israel, waxaanay sheegtay inaanay waxba iska beddeli doonin Go’aanka dowladda Israel ku aqoonsatay Dowladnimada Somaliland.
Safiirka Somaliland ee dalka Norway, Danjire Mohamed Mohamoud Adan oo qoraal kooban soo saaray caawa, ayaa sheegay inaanu Golaha Ammaanku wax saamayn ah ku lahay Go’aamada Sharci iyo Rabitaanka siyaasadeed ee dowladaha Caalamka.
Qoraalka Safiirka, ayaa isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:-
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagaga hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uusan wax isbeddel ah ku samaynayn xaqiiqada sharci iyo siyaasadeed ee go’aankaas.
Aqoonsiga dawlad waa go’aan madax-bannaan oo ay si gaar ah u qaataan dawladaha, kuna salaysan rabitaan siyaasadeed, danaha istaraatiijiyadeed, iyo xidhiidho laba-geesood ah.
Ma jiro hay’ad caalami ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, oo leh awood ay ku khasbi karto dal inuu ka laabto aqoonsi uu si madax-bannaan u bixiyay.
Taariikhda xidhiidha caalamiga ah ayaa si cad u muujisay in aqoonsigu aanu ku xidhneyn qaraarro ama dood ka dhacda goleyaal caalami ah oo keliya, balse uu yahay arrin dawlad walba u gaar ah, kuna salaysan qiimayn siyaasadeed iyo istaraatiiji ah.
Arrinta Somaliland waxay ku dhisan tahay in ka badan 34 sano oo nabad waarta ah, dawladnimo shaqaynaysa, hay’ado qaran oo dhisan, iyo nidaam dimuqraadi ah oo joogto ah. Somaliland waxay muddo dheer muujisay masuuliyad, xasilooni, iyo karti ay kula macaamisho beesha caalamka si waafaqsan shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah.
Sidaa awgeed, dood kasta oo ka dhacda Qaramada Midoobay waa in loo arkaa mid ka tarjumaysa kor ukaca doorka iyo muhiimadda Somaliland ee masraxa caalamiga ah, halkii ay ka ahaan lahayd su’aal gelin ku saabsan sharciyaddeeda ama xaqa ay u leedahay aqoonsi caalami ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay sii wadi doontaa dadaalladeeda diblomaasiyadeed, iyadoo ku salaynaysa xaqiiqooyinka jira, nabadda ay dhistay, iyo rabitaanka shacabkeeda” Sidaas ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee dalka Norway.

