Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Sa’ar, ayaa jawaab kulul ka bixiyey dhaliilo dowladdiisa loogu jeediyey Aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda Israel oo qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay inaanay Somaliland ahayn waddan dhismihiisa iyo qaranimadiisu la kowsaday Go’aankooda, balse uu yahay waddan dowladnimadiisu 34-jirsatay, sidaas awgeedna ay munaafaqnimo tahay in waddankiisa lagu dhaliilo go’aanka uu ku aqoonsaday.
“Somaliland may samaysmin todobaadkan, waxa ay jirtay oo ay dawlad shaqaynaysa ahayd in ka badan 34 sannadood, weerarrada lagu qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa munaafaqnimo,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, waxaanu intaas ku daray, “Israa’iil oo keliya ayaa go’aan ka gaadhi karta cidda ay aqoonsanayso iyo cidda ay la yeelanayso xidhiidh diblomaasiyadeed”.
Dhowr Waddan oo xulafo la ah Soomaaliya oo dalalka Carabta qaarkood ku jiraan, ayaa sharci-darro ku tilmaamay Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka helay Dowladda Israel, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dalalka Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Hoggaanka Midwoga Afrika.

