Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Shaaciyey in Doorashooyinka soo socda lagu geli doono xogta diiwaangelintii hore iyadoo sidoo kale dib loo furayo diiwaangelinta si ay isu diwaangeliyaan dadka aan fursadda u helin kuwii hore.
Guddigu waaxa ay sheegeen in bisha 1aad ee sannadka cusub la shaacin doono jawdalka Diiwaangelinta iyo Qabsoomidda Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.
War-saxaafadeed Arbacada maanta ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo khuseeya nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Soo Socda.
Guddiga oo ka duulaya natiijada kulamo ay wada-jir u qaateen saddexda Xisbi Qaran ee Dalka, waxa ay go’aamiyeen inay bilowga Sannadka Cusub soo saari doonaan jadwalka shaqo ee diiwaangelinta codbixyeyaasha iyo qabsoomidda Doorashooyinka
War-saxaafadeedka komishanka doorashooyinka oo xambaarsan go’aamo lix qodob ka kooban oo khuseeya nidaamka loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxa uu u qornaa sida hoos ka muuqata:



